Wasiir shukri Baandare Oo Tilmaantay Dhaawaca Ay Abaartu U Gaysatay Dhaqaalaha

0
660

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in abaartii dalka ka dhacday ay saamaysay dhammaan dhaqaalaha dalka Somaliland.

Telefishanka France 24 ayaa warbixin ka diyaariyay abaartaas adag ee Somaliland soo martay, waxaanay saxafiyiin telefishanka ka socday booqdeen gobalada bariga Somaliland gaar ahaan gobalka Togdheer. Wasiir Shukri oo saxafiyiintan ugu warantay xafiiskeeda Hargeysa ayaa tilmaantay in xoolaha nooli yihiin silsilad dhaqaale oo isku xidha dadka xoolo dhaqatada ah iyo dadka kale ee Somaliland “Halkii neef waxa ka faa’iida 29 ruux marka laga bilaabo qofka xoolaha dhaqda ilaa qofka dekedda ka dhoofiya.” ayay tidhi Wasiir Shukri waxaanay iyadoo tilmaamaysa sida xooluhu u yihiin silsilad dhaqaale oo isku xidhan ay tidhi “Waa silsilad, silsiladaas oo dhana way saamaysay, dhaqaalaha oo dhan iyo dalka oo dhana way saamaysay abaartu.”

Saxafiyiintani waxa ay magaalada deegaanka gobalka Togdheer kula kulmeen haweenay abaarta ka hor haysatay 185 neef oo adhi ah taas oo ay hadda uga noolyihiin 8 neef. Waxay haweenaydani sheegtay inay xoolaha ka ganacsan jirtay.

Weriyayaashu waxa kale oo ay booqdeen cisbitaalka Burco oo ay kula kulmeen Dr, Yuusuf Dirir Cali oo yidhi “Nasiib xumo laba carruur ah ayaa xalay geeriyooday.”, waxaanay arkeen carruur badan oo u jiiftay nafaqo daro. Hooyo ay da’deeda ku sheegeen 50 jir oo haysatay ilmo yar ayaa tidhi “Weligay maan arag abartan oo kale noloshadayda.”, waxaanay hadalka haweenaydan ee la xidhiidha abaarta noocan ah saxafiyiintani ku tilmeen hadal ay toban maalmood oo ay joogeen Somaliland maqlayeen, taas oo markhaati u ah in abaartani ahayd tii ugu xumayd ee Somaliland soo marta.