Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay warar muddooyinkan dambe isa soo tarayay oo sheegaya in ciidamada Boolisku Hargeysa ku qabteen dhallinyaro diinta ka baxday.
Wasiir Khaliil oo shalay hortagay golaha guurtida, ayaa waxa ay xildhibaanadu wax ka weydiiyaan dhallinyaradan oo warkoodu noqday mid aad loo hadal hayo, waxaanu yidhi “Dadka masiixoobay tuhunkaasi wuu yimid laakiin wax ku cadaaday ilaa hadda ma jiraan, xaqna waxay u leeyihiin dadkeenu xuquuqdooda inaynu ilaano.” ayuu yidhi Wasiirka oo intaas raaciyay “Dadkaas Boolisku gcantay ku hayaan, waa dhawr dhallinyaro ah, calaamadihii kiristaanka waa laga baadhayaa, warbixin ayaana laga qoray oo baadhis ayaa ku socota, mana filayno dadkeena dad dhaqso u masiixoobaa inay jiraan, markaas taas baadhis ayaa lagu hayaa.” sidaas ayuu wasiirku ku soo koobay hadalkiisa.