Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada Oo Xus Weyn U Qabatay Maalinta Haweenka

0
545

DSC02625Hargeysa (Geeska)-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland ayaa sannadkan si muuqata u qabatay Munaasibada Xuska Maalinta Haweenka Adduunka oo Sannad walba la xuso 8da March.

Munaasibadan oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ku qabtay hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenkii hore ee Waraasaradda Shaqaada iyo arrimaha bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, Agaasimayaasha Waaxaha kale duwan iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Ururada Arrimaha Bulshada iyo Marti sharaf aad u tiro badan, munaasibadaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa halkaas lagaga warramay Xuska Maalinta Haweenka Adduunka, muhiimada iyo xaqa ay siisay Diinteena suuban ee Islaamku Haweenka iyo sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin karo xaqa ay Haweenku leeyihiin.