Wasaaradda Ganacsiga Iyo Shirkadaha Laydhka Oo Isla Qaatay Qiime Dhimis

0
657

Hargeysa(Geeska)-Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Kulan la yeeshay Shirkadaha Korantada u shida caasimadda Hargeysa, gaar ahaan kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana uu u soo bandhigay baahida loo qabo in hoos loo dhigo qiimaha ay shirkadahani ka qaadaan shacabka macaamiishooda ah oo aad u sareeya, iyadoo qiimaha shidaalku hoos u dhacay.

1111111111111

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Shirkadaha Korontada ee KAAH, ALEEL, TELESOM IYO GAAFANE, ayey shirkadahani dhinacooda soo dhaweeyeen soo jeedinta wasiir-ku-xigeenka, waxaana ay ballan qaadeen inay maalinta Sabtida ah ee soo socota shir iskugu iman doonaan, isla-markaana ka arrinsan doonaan, halkaasna kasoo saari doonaan qiimo naasil ah oo ay dhammaantood ka midaysan yihiin.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Amb. Kaysar ayaa Shirkadaha Korontada ugu mahadnaqay inay aqbaleen in sicirka Korontada ay hoos u dhigaan, waxaana uu sheegay in xukuumada Somaliland ay diirada saarayso sidii loo jebin lahaa ascaarta kala duwan, isagoo ganacsatada kala duwan ee dalkana ugu baaqay inay jebiyaan qiimaha Ascaarta. Wasiir Kaysar, wuxuu sheegay in Xukuumada Somaliland ay indho gaar ah ku eegi doonto Ganacsatada ka baaqsata inay Jabiyaan Qiimaha ascaarta, kala duwan maadaama ay Xukuumadu jabisay qiimihii Doolarka. Kulankan Wasiir ku xigeenka waxaa ku weheliyay ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Aadan Dhagax iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxyeedyada wasaarada ganacsiga.