Hargeysa (Geeska)-Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa wargeyska Geeska Afrika ku maamuustay shahaado sharaf lagu abaal-mariyay qaybtii uu ka qaatay tartankii ciyaaraha gobalada ee Hargeysa lagu soo gunaanaday.
Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa habeenimadii khamiistu soo galaysay magaalada Hargeysa ku qabatay munaasibad balaadhan oo ay wasaaradu shahaado sharafyo ku siisay shirkado warbaahineed iyo shirkado ganacsi iyo shakhsiyaad kaalin laxaad leh ka qaatay tartankii ciyaaraha gobalada.
Wargeyska Geeska Afrika oo la mataano ah wargeyska toddobaadlaha ah ee Ciyaaraha oo u gaarka a ciyaaraha, ayay wasaaradu ku maamuustay kaalintii uu ka qaatay baahinta iyo u tabinta bulshada ee ciyaarihii gobalada Jamhuuriyadda Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ah wargeyska keliya ee leh wargeys toddobaadle ah oo u gaar ah ciyaaraha oo keliya, kuna soo baxa luuqadda Soomaaliga.
Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee wargeyska Geeska Afrika Jamaal Axmed Yoonis, ayaa wasiirka ciyaaraha ka guddoomay shahaado sharafta ay wasaaradu ku maamuustay wargeyska Geeska Afrika. Jamaal ayaa wasiirka iyo agaasimaha guud uga mahadceliyay shahaado sharafta ay wargeyska ku maamuuseen, waxaanu xusay inuu wargeysku sii wadi doono u adeegida shacabkiisa.
Shahaado sharaftan Wasaraadda Ciyaaruhu ku maamuustay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ah tii labaad ee Wargeyska la guddoonsiiyo.