Wasaaradaha Nigeria Oo Lagu Amray In Ay Hal Akoon (Xisaab) Wadaagaan Si Musuqa Looga Hortago

0
553

Picture3Abuja (Geeska)- Waxaa salaasadii toddobaadkii dhowaa ku ekaa waqtigii wasaaradaha iyo dhammaan waaxyaha kala duwan ee dawladda Nigeria loo qabtay in ay xaqiijiyaan in dhammaan hab xisaabaadkoodu uu maro hal xisaab (Akoon).

Tallaabadan ayaa ah mid lagu doonayo in la fududeeyo dabagalka io la socoshada kharashaadka kala duwan ee haayadaha xukuumadda ee dalkaasi ay isticmaalana iyo in lagu joojiyo muqusa.

Akoonkan waxaa maamuli doona Bangiga dhexe waxaana la qiyaasay in marka ay tallaabadani hirgasho ay bangiyada ganacsigu ku waayi doonaan qiyaastii 10 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah. Wasaaradaha iyo haayadaha kale ee dawladda ee aan nidaamkan dhaqangelin ka hor 11 ka habeennimo waxaa lagu soo rogi doonaa xayiraad dhaqaale.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay BBC qaybteeda Afka Ingiriisug waxa uu intaas ku darayaa in madaxweynaha dalka Nigeria Maxamed Bukhaari oo amar  ku bixiyey in la xidho xisaabaha (Akoonnada) kala duwan ee ay haayadaha dawladdu bangiyada ku leeyihiin, waxa aanu madaxweynuhu sheegay in uu aaminsan yahay in saraakiisha xukuumadu ay tobankii sano ee u dambeeyey xadeen lacag ka badan 150 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Ku-xigeenka maamulaha bangiga dhexe ee dalka Nigeria Obadiah Mailafia ayaa Barnaamijka Afrika ee BBC-da u sheegay in musuqu uu markii hore masuuliyiinta dawladda u fududaa maadaama aanay dawladda sare iyo haayadaha ku shaqada lihi ogeyn ama la socon karayn tirada xisaabaha (Akoonnada) baanka ee wasaarad kastaa ay leedahay. “Akoonnadani waxa ay fududeeyeen musuqii, sidaa awgeed fikirka dawladdu waxa uu ahaa in xisaabahaas oo mid keliya lagu soo ururiyaa uu fududaynayo in la dabagalo lana ogaado dhaq-dhaqaaqiisa” ayaa uu yidhi Mailafia.

Wariyaha BBC ee Abuja ayaa isna sheegay in dhowaan ay dawladda Nigeria baadhitaan ku ogaatay lacag dhan 13 Milyan oo doolar oo ku jira xisaabo ay haayado kala duwani ku leeyihin bangiyada, taas oo aan xisaab ahaan dawladdu markii hore ogeyn jiritaankooda.

Madaxweyne Maxamed Bukhaari oo dhowaan ku guulaystay xilka madaxweynenimo ee dalka Nigeria ayaa wacad ku marsan in muddada uu xilka hayo uu la dagaallami doono in uu tirtiro musuqmaasuqa dalkaas aadka ugu baahsan oo la aaminsan yahay in uu sabab u yahay in Nigeria ay ku socon weydo xawaarihii horumar ee ay ahayd in ay ku socoto.