Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Cilmi-baadhista oo Daraasad Ku Samaynaysa Gaadiidka GT-ga

0
709

sax

Hargeysa (Geeska)- Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiga, ayaa daraasad ku samaynayso gaadiidka kala duwan ee ay isticmaalaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiga Md. Cali Xaamud Jibriil oo hadal ka jeediyey xaflad bilowga daraasaddan oo lagu qabtay xafiiska wasaaradda shalay, ayaa faahfaahiyey daraasaddan oo maalgelinteeda iyo fulinteeba wasaaraddiisu qabanayso, taas oo laga samaynayo caasimadda Hargeysa oo keliya, lana doonayo in lagu ogaado tirada baabuurta kala duwan ee ay isticmaalaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, dhaqaalaha ku baxa iyo wixii khasaare ah ee ay dalka u leeyihiin. Wasiir Xaamud oo ka hadlayey ujeeddada laga leeyahay daraasaddan, waxa uu yidhi, “Daraasaddan aannu ku samaynayno gaadiidka dawladdu isticmaasho (GT), waxa keennay in ay muuqato in la isticmaalo baabuur aad u fara badan, hay’adaha dawladda, gaar ahaan kuwa meel keliya wada degan iyo baabuurta gaarka loo leeyahay ee ay adeegsadaan, waxa leeyahay saddex ujeeddo oo kala ah; tirada baabuurta hay’adaha dawladdu isticmaasho noocyadooda kala duwan oo dhan, kharashka ku baxa gaadiidka dawladda sida shidaalka, daryeelkooda ama dirawallada wada, saamaynta gaadiidka dawladdu ku leeyahay saxmadda baabuurta iyo wasakhowga hawada ee caasimadda Hargeysa oo ah wax raadaynaya nolosha shacabka iyo weliba in talo-bixinta ka soo baxda aannu ku wargalinayno dawladda tallaabada habboon ee laga samayn karo, tusaale ahaan haddii kharashka baabuurta dawladda ay ku baxdo lacag hal milyan badh ahi oo aynu helno nidaam ka fiican ka iminka la isticmaalo oo dhaqaalaha ku baxayaa noqonayo nus milyan in aynu qaadanno oo lacagtaasi meel kale oo baahiyaha dalka yaala ka mid ah aynu galinno ha noqoto.” Wasiirku waxa uu sheegay in daraasaddan oo xog-ururinteeda iyo dhammasytirka natiijadeedu qaadan doono muddo ilaa laba toddobaad ah ay la wadaagi doonaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, una gudbin doonaan Golaha Wasiirrada xukuumadda, isla markaana haddii lagu guulaysto ay ku xigsiin doonaan daraasad kale oo la xidhiidha gaadiidka caasimadda, “Marka daraasaddani dhammaato ee aannu xogo muhiim ah ka helno haddii natiijadiisu noqoto wax la taaban karo oo faa’iido leh waxaannu rabnaa in aannu ku xigsiinno daraasad kale haddii ay noo suurtogasho oo ah gaadiidka Hargeysa oo aannu kala shaqayno Maayarka iyo golaha degaanka caasimadda ee basaska iyo baabuurtan faraha badan ee jajaban ee wada qiiqa ah in nidaam gaadiid loo sameeyo magaalada oo qorshe loo sameeyo basaska iyo saacado ay socdaan, isla markaana loo niyad-jabiyo gaadiidka raaxada ee sii fara badanaya,” ayuu yidhi Md. Cali Xaamud. Waxa kale oo uu dardaaran u jeediyey shaqaalaha wasaaraddiisa ee ka shaqaynaya daraasaddan, waxaannu yidhi, “Shaqaalaha dhammaantiin waxaan idin farayaa inaad shaqadan la idinku tababaray si fiican u gudataan, waa shaqo dalka wax loogu tarayo, waa shaqo waqti ku salaysan oo la rabo inaad si karti leh u qabataan, loona baahan yahay inay wax wax ku ool ahi ka soo baxaan, waayo maxaa dawladdu lacagtan cashuurtii dadweynaha ah ugu kharashgaraysay wasaaraddan? Muxuu Madaxweynuhu u aasaasay wasaaraddan? Macnuhu waxa weeye in wasaaraddu waxtar u yeelato bulshada, markaa waxaynu rabnaa ujeeddooyinkii wasaaradda loo aasaasay in aynu ka midho-dhalinno, waxaynu cilmi-baadhiso ku samayn doonaa qayb kasta oo dawladda ka mid ah.”

“Daraasaddan waxa lagu samaynayaa hay’adaha dawladda oo dhawr iyo kontan ah oo aanay ku jirin wax allaale iyo wixii ciidan ah sida millateriga, booliska, asluubta, kuwa socdaalka, ilaalada badda iyo sirdoonka toona,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiir Cali Xaamud Jibriil. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiga Md. Maxamed Cali Aadan, ayaa isna xusay in shaqaalaha fulinaya daraasaddan ay u qaybiyeen shan kooxood oo xogta soo ururinaya, isagoo ugu baaqay wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda inay u fududeeyaan hawsha shaqaaluhu qabanayo.