Waxaa baryan dabe isa soo taraysa faragelin ay W/ Xanaanada Xoolahu ay ka wado Seero xilyeedayada qaranka(seasonal grassing Reserves) ee ku yaala Bananka Aroori iyo Qool-caday , faragelintaas oo abuuri karta iska hor imaad iyo gacan ka hadal dhex marta Xukuumada iyo bulshooyinka xoolo dhaqatada ah (pastoral communities ) ee degan deegaanadaas.
Masuuliyada iyo gacan ku haynta seero xiliyeedyada qaranku waxay sharci ahaan iyo maamul ahaanba hoos yimaadan Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, sida ku cad xeer no.04/98, seerayaasha qaranka oo tiradooda lagu qiyaaso 11-13 Seero xiliyeed,waxay ku yaalan dhulka u dhaxeeya gobolada Awdal ilaa Gobolka Sanaag.
Ujeedada kaliya ee dawladii Ingirisku & dawladihii Somaliyeed ee kala danbeeyey ay u Aas-aaseen Seerayaashan,waxay ahayd in bulsha weynta xoolo dhaqatada ahi ay xoolahoodu ku badbaadiyaan wakhtiga jilaalku dheeraado, Seerayaashan waxaa xoolaha laga xidhaa xiliga Guga, waxana dib loo fura xiliga uu jilaalku adkaado ilaa hada lama shaacin, lamana garan karo sababta iyo amarka lagaga hoos saaray seerayaashan wasarada deegaanka oo ilaa hada si buuxda gacanta ugu haysa Seerayaashan , xad gudubka maamul ee Wasaarada Xanaada Xooluhu ku faragelisay ,waxaa laga yaaba in ay saddex Arimood sabab u yihiin
Awoodaha maamul , sharci & shaqo ee wasaaradaha dawlada iyo hayadaha madaxa banan oo ah kuwa kala cadayn (Un clear polices Roles, Regulation Among the government institution) taas oo keentay isku maran dhinaca shaqada iyo maamulka ah.
Wasaradan oo laga yaabo in mashruuc dhaqaale uga faa’iidaysanayso sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Development fund) oo dhawaan la furay
Wada shaqaynta iyo aqoonta dawladnimo ee wasaaradaha oo ah mid aad u liidata.
Fara gelin lagu sameeyo ujeedooyinka loo aasaasay seerayaasha qaranku leeyahay waa mid suurto gal ah, balse waa in ay ka timaado sharciyan Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Reer Miyiga,iyada oo la tashanaysa bulshooyinka deegaanadaas si meesha looga saaro dano kooxo gaari ay wataan oo keeni karta tuhun iyo Isfahan la’aan u dhaxaysa Xukumada iyo dadka deegaanka ku nool
Faragelinta Wasaarada Xanaanda Xooluhu ee seerayasha Qaranku , waxay ku so beegantay xili laga dayrinayo gudahan nolosha dadka iyo dunyada ee ku dhaqan miyiga , waxaa dhamaan dhul daaqsimeedkii laga sameeyay seerayaal sharcidaro ah (Illegal enclossers ) kuwaa soo bulshada xoola dhaqatada ah u surto galin waayay inay xoolohooda la guur guuraan wakhtiyada ay deegaantu jirto, waxa la jaray lana xidhay dhamaan wadooyinkii ay xooluhu biyaha uga aroori jireen .waxa lagumaaday dhirtii ay dadka iyo duunyaduba manaafacaad sanjireen waxa hoos udhac ku yimid tayadadii iyo tiraddii xoolaha nool,waxaa sayladaha & suuqyada magaalooyinka waaweyn laga dareemaya kor u kac ku yimi sicirka iyo qiimaha cadka iyo caanihii laga heli jiray xoolaha taas oo ay sabab u yihiin xoolihii noolaa oo sii dabar go’aya , dhibaatooyinka kor ku xusan oo dhamaantood ah kuwa ay dadku gacantooda ku keensadeen waxay ahaayeen ku ay wasaarada iyo xukumadu ka hortagi lahaayeen balse u muuqda in la daayacay.
Fargelinta seerayaasha Aroorin & qoolcaday waxay kale oo ku soo beegantay wakhti uu dhaqaalaha dalku xoog ugu tiirsanyahay dakhliga laga helo xoolaha nool balse aanay xukumadu dhaqaale buuran ku celin horumarinta nolosha xoolaha marka laga reebo talaabada ka hortaga ah ee cudurada Suusunka iyo Sanbabka oo wakhtiyo xadidan la
fuliyo, waxaa kale oo arrintani ku soo beegantay wakhti kumanaan neef oo xoolo ah dalka dib loogu soo celiyey sababo aan la garanayn dartood taas oo dhawac culus ku keeni karta dhaqaalihii awalba dhitinayey,
Sidoo kale waxay arrintani ku soo beegantay xili hay’ado caalami ay warbixin ka soo saareen nolosha iyo dhaqaalaha dadka reer guuraaga ah ee reer Somaliland, warbixintaas oo is barbar dhig ku samaynaysa dakhliga xoolaha nool ka soo gala dadka reer guuraaga ah ee wadamada Keniya, Ethiopia, suudan, Elatariya ,somaliya iyo Somaliland warbixintaas oo sheegaysa in dakhliga soo galay xoola dhaqatada reer Somaliland Afarsano(4) ka hor marka la barbar dhigo dalalka kor ku xusan uu ahaa $150-350 oo dollar sanadkii halka uu dalalka kale ka ahaa $150-200 oo dollar qofkii, warbixintu waxa kale oo ay sheegaysa in dakhliga soo gala xoola dhaqatada reer somaliland uu maanta yahay $120-200 oo dollar, taasi oo muujinaysa in hoos u dhac ku yimid Dakhliga reer Guuraga Eee Somaliland Afartii sanno ee u danbeyey.
Warbixintani waxa kale oo ay sheegaysa in nolosha dadka reer miyaa ee reer Somaliland ay tahay maanta mid socota dhinaca faqriga
Si kastaba ha ahaatee waxaa xukumada iyo wasaarada xanaanada xoolaha looga fadhiya in ay la yimaadaan siyaasad cad iyo qorshayaal hurumarineed oo balaadhan si wax looga qabto dhibaatooyinka ku habsaday dadka iyo duunyada (xoolaha) ee reer Somaliland maadama ay xooluhu yihiin lafdhabarta dhaqaale ee dalka.
Mr. Jamac Hilac
Xoghayaha Dib udajinta ee Xisbiga WADDANI