Wargeys Ka Soo Baxa Maraykanka Oo Saadaaliyay In Cirro Noqon Doono Madaxweynaha Doorashada Sannadkan

0
913

Hargeysa(Geeska)-Jaraa’idka la yidhaahdo The African News journal oo ah joornaal ay leeyihiin bulshada Afrikaanka ah ee ku nool magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa saadaaliyay in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani uu noqon doono madaxweyne Somaliland marka loo dareero doorashada November 2017.

Jaraa’idka The African News Journal ayaa wuxuu sheegay in murashax Cirro mudadii uu ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada uu guulo wax ku ool ah Jamhuuriyadda Somaliland uga soo hooyay dibadda iyo gudaha Somalilandba. Wargeyska The African News Journal, wuxuu qoraalkiisa ku yidhi “Kadib markii tifatirkayagu uu si taxaddar badan u daraaseeyey saddexda xisbi ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID iyo hoggaamiyeyaashooda, iyo tayada hoggaankooda, , barnaamijyadooda siyaasadeed, ajanadeyaashooda iyo guud ahaan xaaladda siyaasadeed iyo jawiga dhaqaale ee Somaliland iyo Geeska Afrika iyo sida oo kale mustaqbalka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya; waxa uu tifatirkayagu garawsaday in mudane Cirro iyo xisbigiisu ay soo dhisi doonaan dawladda soo socota ee Somaliland.”