Wararka Al-Shabaabta Ka Soo Degtay Xeebaha Puntland

0
612

Maalintii Isniinta gelinkii danbe waxa si lama filaan ah uga soo degey degmada xeebta ku taala ee Garacad gobolka Mudug ee maamulka Puntland ciidamo la aaminsan yihay in ay yihiin al-Shabaab kuwaas oo hubeysan wejiyaduna u duuban yihiin. Ciidamadan ayaan wax dhibaato ah u geysan magaalada, dadka ayay u sheegeen in ay magaalada joogayaan muddo 6 maalmood iyagoons heegin halka ay u socdaan.

ffff

Ma jiraan wax ciidamaha ah oo haatan ku sugan gudaha magaalada garacad waxaana caadi kusoo laabtay dhaqdhaaqii magaalada iyagoo ay dib ugu soo laabteen dadkii habeen hore  ahaa iskaga baxay deegaanka.

Dadka deegaanka gaaracad ayaa warbaahinta u sheegeey in shalay barqadii ay laba doonyood ah nooca kaluumaysiga ay ka soo muuqdeen dhanka xeebta colyo oo hoos timaada Garacad waxaana ay cabsi ku abuureen shacabka oo ka cabsi qaba in ay noqdaan ciidamo hor leh oo ka tirsan Al-shabaab .

Ciidamadaas Al-shabaab ayaa shalay lagu arkay  laba saldhig oo ku yaala duleedka deeganka Kulub oo ay shalay barqadii gaadheen iyagoo aan wadan wax gaadiid ah waxaana qaar ka mid ah dadka deegaanku ay sheegen in ay raxan raan u lugaynayeen.

Qoysas reer guuraa ah oo ay ku dul dageen ciidamada ayaa shegay in ay isticmaaleen biyaha ugu jiray baraaagaha isla markaana ay qado ku karsadeen, waxaa kaloo jira xooloa ay qasheen ka dib markii ay dadka deegaanku u ogolaadeen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanki u badanyihiin dhallinyaro ku jirta da’da labaatanka, waxaanay sheegeen inay ku hadlayaan luuqadda Somaliga ee lagaga hadlo Koonfurta.

Maamulka Puntland ayaa dawladda Somaliya ku eedeeyay inay qayb ka tahay in Al-Shabaab ay deegaanadooda u soo guuraan.