Hargeysa (Geeska) Wakiilka Somaliland u qaabilsan waddanka Denmark Dr. Muuse Sheekh Muxumud Case ayaa si weyn loogu soo dhaweyey Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.
Ambasadorka ayaa waxa soo dhaweyey Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiye, Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Suldan Aadan Suldan Aamin Suldan Faarax, Dr. Aadan Jibriil iyo Xubno kale oo isku jira Dhalinyaro iyo siyaasiyiin.
Dr. Aadan Jibril oo ugu horeyn ka hadlay soo dhaweynta Ambasador Muuse Maxamud Case ayaa yidhi. “waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Ambasador Muuse oo runtii ah nin aqoonyahan ah, isla markana Hawlkar ah, waxanu leenahay ku soo dhawoow dalkaagii hooyo”Ayuu yidhi.
Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Suldan Aadan Suldaan Faarax oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay u soo dhaweynayaan Safiirka Muuse, waxaanu sheegay in Muuse yahay nin ku culus qaranka iyo beeshiisaba.
Xildhibaan Maxamud Axmed Obiye oo isaguna hadal kooban ka jeediyey Madashaasi ayaa isaguna hadalo soo dhawayn ah ka jeediyey madashaasi, waxaanu tilmaamay in Muuse yahay nin ku culus Somaliland.
Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Ambasador Muuse Muxumed Case oo lagu soo dhaweyey Hargeysa waxanu halkaasi ja jeediyey hadalo mahad naq ah waxaanu yidhi. “Runtii waad ku mahad santihiin sida aad igu soo dhaweysen Hargeysa oo ah dalkaygii, waxa kale oo aan salaamaya Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aniga oo waliba Salaan uga wadda Jaaliyada Demark iyo Gudoomiyaashoodaba, waxa kale oo aan salamayaa Wasiirka Arrimaha dibad aoo Dalka Demark todobaadkii hore noogu yimid oo talo iyo tusaale na siiyey dalkan nooga xogwaramay halka uu marayo”Ayuu yidhi.