Wakaaladda AP Oo Sheegtay In Ninka Lagu Tuhmay Qaraxii Daallo Uu Hargeysa Macalin Ka Ahaa

0
565

Hargeysa(Geeska/AP)-Wakaaladda wararka ee AP ayaa baahisay in ninka looga shakiga qabo inuu isku qarxiyay diyaaradii Daallo Airline ee maydkiisa la helay oo magaciisa lagu sheegay Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle, uu macalin ka ahaa madarasad ku taala magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

1

Wakaaladdani waxay sheegtay in ninkaasi macalin ka ahaa madarasad ku taala magaalada Hargeysa, waxaana sidaas wakaaladda AP u sheegay Sheekh Maxamed Cabdillaahi oo ay AP sheegtay inuu iimaam ka yahay masaajid ku yaala magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed, ayaa sheegay in Boodhle uu qiyaastii ahaa 50-52 jir, isagoo xusay inuu ahaa nin kaftam badan islamarkaana dhaawac ka qabay lugta oo uu marka uu soconayo isticmaali jiray bakoorad.

Sheekh Maxamed waxa uu xusay in markii ugu dambeysay ee  uu la kulmay Cbdullahi Cabdisalam Boodhle ahayd bishii January ee la soo dhaafay, xilligaasi oo uu u sheegay inuu doonayo inuu u ambabaxo magaalladda Muqdisho ee Somaliya , si uu uga soo  helo Baasaboor uu ugu dhoofo Turkiga ama Hindiya sababo dhinaca Caafimaadka.

“Waxa uu u socdaalay Muqdisho si uu uga helo Baasaboor oo uu ugu ambabaxo Turkiga ama Hindiya sababo caafimaad. Wuxuuna had iyo jeer jeclaa inuu dibedda u dhoofo si uu isaga soo toosiyo lugtiisa” ayuu yidhi Iimaamka, oo khadka Telefoonka kula hadlay Wakaalladda Wararka ee AP isagoo jooga magaalladda Hargeysa.

Diyaaradda Daallo, ayaa horaantii bishan iyadoo ka kacday madaarka Muqdisho, markii ay hawada ku jirtay 10 daqiiqo waxa ka dhacay qarax la sheegay in lagu rakibay Computer-ka labtopka loo yaqaano, waxaana daaqadda diyaaradda oo dalooshantay ka baxay Cabdillaahi Cabdisalaan Boodhle oo ay dawladda Somaliya sheegtay inuu yahay ruuxa qaraxa fuliyay.