Nidaam siyaasadeed ka dunida lagu tilmaamo inay horre u mareen waxay u yagleelan tahay hab aad u adag una dhiggan jirid, xididdada u aasanina ama ku qotomaan na ay tahay aqoon iyo higsi fog, dhaabbaddahaa adag wax walba ku dhisteen ayey haddana kala afkaar iyo kala mowqif yo noqdeen, kadib waxay samaysteen Xisbiyo marba inta aragti wadaag ahi isku luggo duwadaan, waxay kala samaysteen barnaamijyo iyo habab kala duwan oo dalka iyo dadka ku hoggaaminayaan, waxa kale oo ugu talo galeen inay ku beeraan siyaasiga mustaqbalka isaga oo laylis lagu siinayo laguna carbinayo hab fikirkiisa hoggaamineed ee mustaqbal ka.
Si kasta oo dunidu wax u nidaamsadeen, Somaliland ahaan waxaynu u naalnaa qaab aad uga duwan caggo adag iyo khidad midna ku taagnayn, waxa sababayana tahay Qabyaaladda iyo dhismo la’aanta Dadka, Dal ka sidaynu ugu soo noqonay waxa la noqday in wayday wax dhissa garaad kooda iyo hab fikirkooda wada noolansho iyo in fikir dishooday markii wixii loo dagaalamay u muuqan waayeen, taasi waxay dhashay in siyaasiga dalku jahwareer ku dhaco tahli waayana inuu siyaasad cad dad ka u soo bandhigo, hase yeeshee waxay siyaasaddiisii noqotay Diin god gal god Goray gal, Goray god gal god Diin gal, haa mucaaridka maantu waa muxaafid ka berri muxaafidka maantuna waa mucaaridka berri, waxay dhacayaan hal xilli iyo hal xukuumad waana midda loogu magac daray siyaasiyiinta guur guurta, siday doontaba ha ahaato waxaynu si gaar ah qormadan ugu faallayn doonnaa Xisbiga Waddani xaaladdaha naasnuujinta u ah ee waayadan dambe dhaqdhaaqiisa looga dareemayo Somaliland.
Kulmiye: Doc-docaynta ku aadan hoggaan ka Kulmiye iyo abuurista khilaaf ka joogtada ah ayaa waxay dhalisay in Xisbigu madax banaanan waayo, howlihiisa iyo qorshihiisana gaar u qabsan waayo, tushuush kaa lagu abuuray Xisbiga waxay dhashay in bulsho badani meel ku tiirin kari waydo cidda xisbiga loogu soo hagaagayo, cidda ay tahay in lagu daba faylo iyo kuwa loogu hoggaansamo, waxa iyadda lafteedu jirta in hoggaan ka xisbiga ku dhex wareero farfaraynta iyo xagal daacinta xisbiga kaga imanaysa Xukuumadda inay tahli kari waayaan ka fikirista adkaynta iyo dhisidda xisbiga, halkii ay arrimahaa ka qaban lahaayeen waxay wakhti badan kaga baxay inay iska difaacan iskana leexiyaan dhabar wareen ka kaga imanaya cid ay ahayd inay Xisbiga gacan qabato, arrimahaas marka Xisbiga ay la jaal noqdeen bulsho badani waxay u arkeen in dhabaddii UDUB kulmiye cagta saaray, si kale haddaynu u eegno Udub iyo Kulmiye meelo badan ayey iska shabbahayeen waxaana ugu wayn in labadda Xisbi ahaayeen kuwo salbaaadhan oo meelo badan ka dhisan, hadday noqoto gobalo iyo degmooyin kala durugsan kala gadisanna, hase yeeshee khilaaf kii iyo lug isaqabad kii Madaxda Udub waxay dhashay wakhti aan barqo ahayn fiid cowlna ahayn lagu kala dareeray, dad yowgii hadhsan jirayna sida cowsha inniba meel u yaacday, arrinta sidaas oo kale ah ayey bulsho badani u saadaalinaysaa kulmiye inuu ku dambayn doono haddii aan wax laga qaban.
Xukuumadda: Waxa kale oo xusid mudan haddii xisbigu halkaa marayo iyana xukuumadda dhexdeedii inay faraaro kala duwan yeelatay, inbadani waxay u sibir saaraan uruursan la’aanta awoodda xukuumadda, middaas oo muuqanaysa in dabac badani ku yimid cidda ay ahayd in awoodda dalku gacantiisa ku jirto iyadda oo kooxo badani xanbaarteen awoodo aanu sharcigu siinin kuwo kalana u hanqal taagaan, inbadan oo bulshada ahi waxay u tuhmaan kultad xukuumadda ka mid ahi inay la shaqayso Xisbiga Waddani yihiinna kuwa musdanbeed ka u ah iyo kuwo kale oo si dad ban ugu jirra, middaas waxa inoo xaqiijiyey Guddoomiyaha Waddani ahna guddoonka Wakiiladda inay jidka ku soo jiraan Saraakiil badan oo Xukuumadda ahi, sidoo kale waxa sheeggis u baahan awood kala jiidashadda xukuumadda dhexdeedu inay shaki badan ku abuurtay dad kii codka ku keenay kursiga sida ay u sii wadi karaan una sii hoggaamin karaan dalka, inbadani waxay tusha uga tuurayaan in Xukuumaddu u bislayn inay taladda dalka sii xejisato waxaynu u aanayn karnaa siyaabaha saxaafadda loo cabudhinayo, xadhig iyo takliifaad dheeri ahna loo dul-dhiggayo, sidoo kale xadhigga iyo cabudhinta lagu hayo xorriyadda fikireed ee bulshada ayaa bixinaysa tilmaam kale, arrimahaa xad gudub ka ku ah xorriyadda waxa lagu gartaa in xukuumadda ay iska xoorayso sharciyaddii dad ka ka haysatay, dhacdooyin kaa is barkan ayey dad badani uga haajirayaan jeclaysanayaanna inay meel kale ku eeggaan.
UCID: haddii aynu si kooban u eegno waxa laf ahaanteed inooga dhex bidhaamaya kala tagsanaan wayn oo Xisbi ga laba qaybood amma laba magac u kala irdheeyey (UCID & NEW UCID), Gudoomiyaha Xisbi gu waa Faysal Cali ah na fikraddii ka dambaysay yagleelidda Xisbiga, Faysal oo hore loogu tirinayey inuu siyaasadda ku cusub yahay lana jaal yahay galdalooloyin ay ugu wayn tahay dhan ka ku socoshadda mabda’a ayaa haddana uu yahay qof marna Xisbi gu ka fara mudhuxsan, sooyaal hore waxa uu ina xusuusinayaa wixii ka dhacay amma waxay ku soo af meerantay muran lagu kala jiidanayey lahaansha Xisbiga oo dhex maray Hoggaamiyaha Waddani oo ka mid ahaa Ucid iyo Guddomiye faysal, taas oo aakhirkii loo xukumay xisbiga guddoon ka iminka, isaga oo hadaladdiisa ay ka mid ahayd inayna cidi la sheegan Karin maadama cidi la dhisan, xaalku waxa uu halkaa soo maro waxay dad badani ku tiraabaan in Faysal markii dambe uu Xisbiga kireeyey in Musharax uu ka noqdo Jamal Cali oo isaga laftiisu siyaasadda ku cusub ahna nin aqoon yahana oo dhalin badani majeeranaysay, dhab ahaan ma noqon Jamaal mid wax badan ku soo kordhiya siyaasadda ama Xisbiga waxana loo tiirinayaa inuuna Xisbiga laga kirayn shidhka hore lakin buudhiga uu yahay waxa loo dhiibay, middaa waxa marag u ah go’aamadda Xisbigu gaadhayo ee Xukuumadda amma howlo dalka ka baxsan inaan laga talo galin amma uuna gacan ku yeelan Aqoon yahan ku, sidaa awgeed ayaa bulsho badan waxa shaki galiyey doorka uu Jamaal ku yeelan karo Xisbiga kol haddiiba goob joog u noqon meelaha lagu gorfeeyo siyaasadda amma wax lagu kala jiito, waxa sidoo kale inbadan aynu aragnay Guddoonka iyo Musharaxa Xisbigu inay ku kala aragti noqdaan arrimaha la gala xaalayo Xukuumadda, horre looma tilmaamin in Jamaal shirar sadexda Xisbi loo qabanayo laga qayb galiyey iyadda oo dad badani sheegaan in walwal laga qabo Musharax nimaddiisa loona sababaynayo Faysal Cali oo dabar Xisbiga ku haya una qudhqudh sanayn Musharaxnimadda Jamaal, taasi iyada lafteedu waxay keensatay inaan xisbiga lagu soo hiran dadka ka biyo diidsan Kulmiye amma Xukuumadda aan la dhacsanayni ay baal maraan. Waddani: Xaal ku halkaa marka uu marayo dad badani waxay fursad u arkeen Waddani inuu noqon karo meel cadaadis lagu saaro Xukuumadda haddii xoog looga sii shaqeeyana lagu badali karo nidaam taladda haya, Waddani marka loo eeggo labada Xisbi waa ka da’ yaryahay waxaana lagu tilmaami karaa dhashii Kulmiye, ma aha Xisbi soo kacaa kufay lakin hadda waxa kuu muuqanaysa inuu fursado leeyahay kana dhasheen sadexda qaybood ee kor ku soo xusnay. Waddani isaga laftiisu waxa uu dugsanayaa canbaaro badan kalana siman yahay jaalkiisa, waxa ugu horreeya Hoggaan ka Xisbiga oo Maamulka dalka ku soo dhex jiray muddo 10 sano ah, hoggaamintisii golaha iyo siyaabaha uu uga fal celin jiray khaladaad ka Xukuumaddihii wada shaqayntu ka dhaxeysey, ikhtiraacid la’aan xeer ama shuruuc dalka lagu horumariyo amma lagu adkeeyo sharciyadda la iska wada baal maro ayaa muujinaysa inuuna lahayn barnaamij higsi oo saaxadda la joogo lagu badali karo, in badani waxay tilmaamaysaa isna waydiinaysaa hoggaamintiisa jilicdasan ee lagu bartay waxay gayeysiin karto dalka haddii dalka uu madax ka noqdo, walow ay jirraan bulsho kale oo middaa ka duwan lana dhacsan siyaasaddiisa kuna tilmaama khibiir dublumaasi ah isaga laftiisuna isku tilmaamay hoggaamiye nabdeed, hase ahaatee indhaha lagama wada qarsan karo galdalooliyinka hoggaan ka ugu sareeyaa leeyahay iyadda oo ogsoon nahay in Xisbi ga wixii la doono ha lagu tiiriyee ay ku jirraan rag badan oo miisam culus leh, xaaladdo badanna u soo joogay xeeladna ka maqnayn, haddana ay wali hortaal fursadihii uu ku soo baxay ee gacan qabashadu ugu waynayd, hore waxa lagu eedayn jiray in Xukuumaddu soo saartay halka Ururo badan ku joogsaday ayey wali taagan tahay fursadahaas, waxana bixinaya dabarka lagu hayo Xisbiga Kulmiye, Xukuumadda oo raad arooryo dib u qaaday iyo Xisbiga Ucid oo saaxadda ka muuqan, lakin markaynu soo ururino wali fursadahani waxay u muuqanayaan kuwo caggo adag ku joogin kuna xidhan tahay sidda Xisbiga Kulmiye xaal kiisa loo maareeyo, in hoggaan ka Xisbiga lagu nabad galiyo howsha saaran, sidda niyad samaan Xukuumadda iyo Xisbigu meel uga wada duuli karaan, iyo siyaabaha loo dhameeyo loona suuliyo Wasiiradda Xukuumadda ka tirsan kana soo aflaxay Kulmiye iyo hoggaan ka Xisbiga, dhacdooyin kaasi waxay noqon doonan kuwo jaan gooya cidda taladu gacanta u gali doonto amma sii xajisan doona.