Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha xidhiidhka gobalada iyo degmooyinka xisbiga Waddani Cabdillaahi Axmed Maxamed (Cabdillaahi Daamur) oo sidoo kale ka tirsan guddiga fulinta ee xisbigaas ayaa xukuumadda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah ka u fidiso dadka ay abaaruhu ku hayaan gobalada bari ee waddanka.
Mr. Cabdillaahi, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu xukuumadda ku canaantay qorshe la’aanta abaaraha “Sidaan wada ognahay waxa dalka, gaar ahaan dhinaca bari ka jira abaaro baahsan oo adag oo xanuun badana soona noqnoqotay sannado badan. Sannadkan aynu hadda joogno laba abaarood oo culculus ayaa dhacay oo ka kala dhacay bariga iyo galbeedka labaduba laba abaarood oo ad-adag ayay ahaayeen. Waxase halkas ka muuqday in wax ku tallo gal ah oo ah oo xukuumadu ku tallo gashay aoo abaarahaas khuseeyaa inaba inaanay jrin, markaas hore Waddani ahaan abaarahaas waanu ka qaylinay, baaqyo ayaanu ka dirnay, waanu tagnay galbeedka, wixii aanu ku tari karaynayna waanu ku tarnay.” ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyay “Waxa layaab leh hay’adda aafada ee qaabilsanaa abaaraha iyo sii sheegistooda, inaanay ilaa iyo hadda wax dhaqaaqay aanay jirin.”
Isagoo ka hadlaya guddiga abaaraha ee uu madaxweyne-xigeenku guddoomiye u yahay wuxuu yidhi “Waxa dhacda in la abaabulo guddiga abaaraha maalinta ay abaartu dhaharato ee wax la qaban karaa ay yaraadaan, guddigaas waxa guddoomiye u ah madaxweyne-xigeenka, Burco ayuu tagay wuxuu yidhi abaar umaanu iman ee waxaan u imid mashruuca JPLG.”
Isagoo baaq u diraya xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ah wuxuu yidhi “Waxaanu baaq u diraynaa hay’adaha caalamka iyo xukumadda ka gaabisay ee xoolihii umadda sida khaldan u isticmaalaysa oonu leenahay waa dadkeenii ee u gurmada oo ka gaadha abartan.”