Waddani Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Go’aankii Madaxweynaha

0
495

Hargeysa(Geeska)-Hogaanka sare ee xisbi mucaaridka Waddani ayaa maxkamadda distooriga ah ee Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah go’aanka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho,  iyadoo ay maxkamadda sare hore u go’aamisay in isku mar la wada qabto labada doorasho.

1

 Xoghayaha Guud ee Xisbi mucaaridka Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade oo warbaahinta kula hadley afaafka hore ee maxkamada ayaa waxaa uu sheegay in ay gudoomiyaha maxkamada sare u gudbyeen warqad dacwad ah oo ka dhan go,aankaas madaxweyne Siilanyo ka gaadhey labada doorasho oo ay hore maxkmadu go,aan uga soo saartey  wakhtiga doorashoyinka la qabanaayo, isagoo xusay inuu rajo ka qabo in maxkamadu ka gaadhi doonto go’aan cadaaladeed.