Wada Hadaladii Suuriya Oo Shalay Si Rasmi Ah U Furmay

0
634

Dawladda iyo mucaaradka Suuriya ayaa shalay markii u horaysay qol wada fadhiistay, ka dib markii ay wada hadalo ka furmeen wadanka Switzerland.

Labada dhinac ee iska soo horjeeda dalka Suuriya ee ku wada hadlaya magaalada Geneva ayaa ku kulmay markii ugu horaysay meel.

Intaanay  isku iman, labada dhinac ayaa sheegay inay isa soo hor fadhiisanayaan, laakiin ay la hadli doonaan dhexdhexaadiyaha Qaramada Midoobay, Lakhdar Brahimi, oo aanay  si toos ah u wada hadlayn.

Safiirka Suuriya ee Qaramada Midoobay, Bashar Jafari, ayaa BBC u sheegay in xooga la saari doono arrimaha gargaarka iyo sii daynta maxaabiista.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa sheegay inay rabaan meel wax laga sii wadi karo, inta aanay  ka hadlin mustaqbalka madaxweyne Asad.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya sii daynta maxaabiista la haysto iyo gargaarka bini-aadminimo sidii loo fududayn lahaa.