“Waan Wareejiyay Xilkii Somaliland Today, Waxaanan U Gacan Baxayaa Siyaasadda”Guddoomiyihii Somaliland Today oo is casilay

0
841

1Hargeysa(Geeska)-Muniir Axmed Cigaal oo ah Mulkiilaha iyo aasaasaha war-baahinta Somalilandtoday Media Group, oo ka kooban Shabakada caanka ah ee wararka baahisa ee Somalilandtoday.com iyo Wargayska Somalilandtoday, ayaa si rasmiya u shaaciyay inuu gabi ahaanba wareejiyay xilkii iyo masuuliyadii uu ka hayay War-baahinta Somalilandtoday Media Group, isagoo sababtana ku sheegay inuu ka qayb qaadanaayo arrimiaha siyaasadda dalka. Qoraal uu umurtaas kaga hadlaayo ayaa u dhignaa sidan. “Illahay ayaa mahad leh  markasta iyo xaalad walba. War-baahinta Somalilandtoday Media Group, oo ah mattaanaha Wargayska Somalilandtoday ee maalin laha madaxa banaan oo Hargaysa ka soo baxa, iyo Shabakada wararka ee dhinaca Online ka ah ee

Somalilantoday.com, bilawgeedi waxay  si rasmiya hawada u soo gaashay horaantii sannadkii 2011, ilaa wakhtigaas anigoo ahaa aasaaha  iyo Guddoomiyaha hay’adda war-bahineed ee Somalilandtoday Media Group, waxay soo martay duruufo kala duwan, wuxuuna noqday Magaca Somalilandtoday, mid guud ahaan ku faafa ummadda rer Somaliland meel kasta oo ay adduunka ka joogaan iyo dadka Af-Somaliga ku hadlaba.

"Waxaan haddaba maanta oo bishu tahay 5/10/2016, aan halkan ku cadaynayaa inaan gabi ahaanba si rasmiya u wareejiyay masuuliyadii Guddoomiye iyo maamulkii Somalilandtoday Media Group, iyadoo aan ku wareejiyay Khadar Xasan Axmed Cigaal, oo sidoo kalena ah Tafatiraha Guud ee Wargayska Somalilandtoday, Saxafigan oo ay bahadda Somalilandtoday Media Group isku raaceen ku guulaysiga xilkiisa.

Sababta igu kaliftay inaan hawshii xileed iyo midi masuuliyadeedba wareejiyo ayaa ah anigoo intii itaalkayga ah ka qayb qaadan doona hayaanka iyo higsigsa siyaasadeed ee dalkeena Somaliland, taas oo iyana ah hawl u bahaan wakhti kale iyo gacan banaan, maadama Saxaafaddu madax banaantahay dhexna ay u tahay dhammaan dhinacyada Siyaasadda waxa lagama maar maan noqotay inaan faraha ka qaado hawlihii Saxaafadda ee aan gacanta ku hayay. Waxaan ka qayb qaadan doonaa wixii awood iyo itaalba noqna ku biirin doona siyaasadda waddanka, anigoo u maridoona haddii alle idmo nidaamka dimuquradiyada oo dalkeena ka jira, kaas oo dabcan laysu abaabulo hanaanka Xisbiyada badan.

Waxaan u mahad naqayaa dhammaan shaqaalihii, hawl-wadeenadii iyo bahddii aan jeclaa ee Somalilandtoday Media Group, oo muddadii aan Guddoomiyaha ka ahaa aanu soo wada shaqaynay. Sidoo kale waxaan u mahad naqayaa akhristayaasha ku xidhan  Somalilandtoday Media Group."