Wax qabadkii muuqdaa waa marag ma waayaan, waana muhiim in la qiraa. Qorshihii dhismaha Madaarka Hargaysaad inuu qasad fiican iyo qadarinta qawaaniinta dalka ku bilawday waa marag madoon, mahadaana waxa leh xukuumaddeena haatan hogaanka haysa.
Qorshihii gudida qandaraasyada qaranku ku naadiyeen in tartan xor ah loo galo qandaraaskii lagu bixinayay dib u dhiska madaarku wuxuu ahaa wax lagu diirsado oo ay si fiican ugu muujiyeen in shaqadoodu tahay ilaalinta danta dalka iyo dadka. Ummadana wax ugu dhiibaan cidda ka soo bixi karaysa kolba hawsha loo baahanyahay. Qudhoodu way mudanyihiin ammaan.
Gudidu waxay shaacisay in qandaraaskii dhismaha madaarka ay ku guulaysatay shirkad shisheeye ah oo laga leeyahay dalka China, halka tartankii qandaraaska Madaarka Berbera ay isna ku guulaysatay shirkad kaloo shisheeye oo laga leeyahay dalka Ethiopia. Tallaabadaasi waxay noqotay mid aynu aad ugu wada riyaaqnay maadaama aan ka wada dheregsanayn in shirkadaha wadaniga ahi aanay ka muuqan awood ay ugu babac dhigi karaan hawsha baaxaddaa leh oo ay si fudud ugaga soo dhalaali karaan iyadoo dhamaystiran, waana tii abuurtay filashada iyo kalsoonida. Qof ahaan se waxaan rumaysanahay in ay inna khiyaameeyeen oo halka wax ka qalloocdeenba ahayd siday u maamuleen bixintaqandaraaska! Shirkadda ay inoo sheegeen inay ku guulaysatay qandaraaska magaceedu wuxu ahaa CHINA HONO GROUP oo ah Shirkad ku sheegtay bogga ay ku leedahay internet-ka http://www.honogroup.com/en/company_profile.htmlinay ka shaqayso macdanta iyo beeraha. Shaqadeedaa iyo dhismeyaasha garoonnada waxa isku keenay kuwii ina xaday iyo xukuumadeenaa sheegi! Xaaraan loo badheedhay oo xeerka la waafajiyay baan u arkaa, xukuumadda oo dalka xadaysa marageedii ayay aniga arintaasi ii tahay, hadiise muuqaa wax ka duwani jiro waan u fadhinaaye xukuummaddu ha inoo warranto.
Dhamaan tallaabooyinkii ka horreeyay bilawgii dhismaha madaarku, calaamad su’aal haba saarnaatee, waxay ahaayeen kuwo ay xukuumaddu ku kasbatay kalsooni iyo qadarin ay ka heshay bulshada, walow aan is leeyahay iyadu is bidi mayso kol hadday fulinaysay hawl looga fadhiyay oo xil kaba saarraa, waase loogu sacab tumay.
Mudaadii dheerayd ee dhismaha madaarku socday, waa nasiib darrooyinka inaga haysta warbaahin ku sheegteenee, ma aynu helin warar dheelli tiran oo ka warbixiya sida hawsha madaarku u socotay, wasaaradda u xil saaran gaadiidka hawada iyo Telefishanka qarankuna kolba waxay inoo soo bandhigi jireen muuqaallo ahaa dhisme socda iyo wasiirka oo mishiinka laamiga goglaya guudka kaga taagan! Garo oo markaa waxaynu moodaynay xil kasnimo dheeraad ah oo wasiirku ugu kuur galayay hawlaha socda, inkastoo ay sawir muuq kale lehna muujinaysay arrintaasi oo ah in wasiirku si ka baxsan anshaxa shaqada ugu gacan dhaafayay khubarada wasaaradiisa hawsha ay aqoonta u leeyihiin eeay tahay in loo daba fadhiisto!
Ka soo gudub maalmahaa iyo wixii aan la inoo sheegin, waxa dhamaystirmay dhismihii Madaarka Hargaysa, si qurux badanna waa la inoogu furay oo madaxwaynahaaba xadhiga ka jaray. Mar hadii madaxwaynuhu hawlaha qaranka wasiiro gaar ah u kala igmaday, waxay ila tahay inuu sidii hogaamiye yeeli jiray ugu gacan banneeyay wasiirkiisii hawshaa qaabilsanaa oo uu isaga uun ka filayay inuu u soo gudbiyo warbixin ku qotonta xaqiiqo ay soo lafa gureen khubarada wasiirka la shaqeeyaa, waana sababta uu illaa maanta u rumaysanyahay in hawshaasi sidii loogu talo galay u fushay, garawshana madaxwaynuhu xaq buu u leeyahay, mar hadaanu wali baadhitaan bilaabin.
Markii xadhiga laga jaray madaarka waxa isla markiiba curtay dhaliilo culus oo lagu duray hawshii dhamaatay, sida muuqatana way jiraan oo waxaan anigu u haystaa in wasiirka duulista iyo hawada Somaliland marag xaadir ah u yahay oo uu qirayo in wax qalloocdeen! Doodaha jiraa waxay leeyihiin waa la xaday xoolihii loogu talo galay dhismaha madaarka. Arrinka waxa sii cakiray markii Shirkadda Ethiopian Airlines ay duulimaadkeedii u horeeyay ku timid diyaarad nooceedu ahaa B737-800 oo ah dayuuradaha waawayn ee BOEING samayso kuwooda uguba yar yar. Walow kabtankii dayuuraddu, isagoo wasiirku ag taaganyahay, ammaanay dhabbaha madaarka hadana waxa dhacday in duulimaadkii kaaku xigay ay shirkadu baajiso. Wixii keenay wali ma cadda, in kasta oo wararka warbaahinta madaxa bannaan ee dalkeenna iyo ta dawladda labaduba ay ku guul darraysteen in ay inna siiyaan xog lagu qanci karo. Warkoodu wuxu noqday uun dhaliil indho la’ oo xukuumadda lagu xajiimaynayo iyo difaac indho la’ oo xataa caaqiladii ka hadleen shaqadii wasaaraddda, midh baase aan laga tagi karin ah in muran wali taaganyahay!
Mar hadii dhismihii dhabbaha madaarka aan waxba lagu darin dhererkiisii, oo intiisii hore uun la dacay tiray maanku wuu aqbalayaa in aanay si sahal ah u adeegsan karin dayuuradihii marka horeba uu ku gaabnaa garoonku. Wax lala yaabo markaa noqon mayso hadii la yidhaa malaha Ethiopian Airlines dayuuradeedii waynayd dhererka Runway- ga uun baa ku gaabtay ee belo kale ma jirin, wasaardduna si ay dadka uga dhaadhiciso in aan waxba laga shaxaadin dhaqaalihii dhabbaha lagu dhisayay ayay ugu cadaadisay in ay isla dayuuradaa wayn ku soo fadhiistaan madaarka hargaysa uguna diiday inay adeegsadaan madaarka Berbera ama inay dayuurad yar ku yimaadaan madaarka hargaysa.
Ceeb maaha in aynu dayactirannay inteenii hore oo keli ah, wixii danbana aynu la tukubi doono, liitinimadu se waxa weeye in been lala soo hor fadhiiso bulshada iyo in maankooda la yaso oo hadh iyo habeen lala soo taagnaano madaarku intii hore waa ka waynyahay! Halkaad ilduuftay waa la qirtaa, qaladkana laguma saxo is diidsiin waxase dadnimada laga doonaa halka ay ku jirto “Raganimo meel cidhiidhi ah bay ku jirtaa” miyaan dadkeenu hore u odhan? Dhib wayni ma jirto oo xukuumadda, oo wasaaradda duulistu ka wakiil tahay, waxa looga fadhiyaa inay laba arrin uun kala cadayso: Ma dhab baa ooqalad wuu jiraa, qarashkii madaarkana waa la qadhiidhay? Mise marka horeba qorshuhu wuxu ahaa in la dayac tiro uun intii horee uu ahaa madaarku? Iyaba waa wax wayne hadda garo!
Mucaaradka iyo warbaahinta saaqidday ee qabaxda ku mamay qudhoodu arrinta madaarka si qaldan bay u marooriyeen oo meel aan wax laga dayin bay is leeyihiin ka dura xukuumadda, nasiib darro se, waxaad moodaa in wasiirka duulistu marin u jeexayo! Wax aad loogu qosolo waxa ahaa hadalkiisii u danbeeyay ee inta uu madal soo fadhiistay yidhi waxaan warbixin siinayaa, aniga iyo wakiilka dawladii qaraamaadka yar inagu caawisayba, bulshada rayidka ah ee Somaliland una saafayaa in aan si qaldan wax u dhicin. Yaa salaam, yaa ku yidhi in Hudheel qaadaa ummada matali karta, Alle ha kuu siyaadiyee, Maxamuud, caqli samidee!!
Hadii ay ummaddu wasaaraddaada eedaynayso, mudane wasiir, sida ugu wacan ee aad wax ugu saafi kartaa waa adigoo sifaha sharciga ah raaca. Maxaa kuu diidaya in aad tidhaa arrintan madaarku laba waji bay leedahay: shirkadii dhistay iyo sidii qandaraaska loo bixiyay oo dhan, iyo ta labaad oo ah in guddi qaran oo baadha loo saaro. Hadii gudiga qandaraasyadu hawsha u xil saareen cid aan ehel u ahayn oo ay lacagteenii inaga khasaariyeen, dee mushahar bay inaga qaataan oo cashuurtaynu ku masruufnaaye, waa in aan iyaga la xisaabtannaa oo iyaga iyo shirkadaba la tiigsannaa sharciga adiguna aad arintaa u ololaysaa simagacaaga, ka xukuumadda aad ka tirsantahay iyo madaxwaynahaaguba u eed beelaan.
Mudane wasiir, adigaa hawshan hogaankeeda hayee, maxaad ugu talin wayday in aad dalbato in hanti dhawraha guud iyo khubaro wasaaradaada ka socodaa baadhaan hannaankii qandaraaska lagu bixiyay iyo kartidii shirkadda madaarka dhistay? Mise sharcigeenu hanti dhawrka wuxu u diraa uun agaasimeyaasha yar yar ee hoose?! Miyaad garan wayday inaad golaha wasiirada hor dhigto talo ah in guddi qaran loo saaro hawshan muranka badani ka dhashay si aan waxeenna la inaga dhacay, waa hadii danni jiro e, aan dib ugu soo ceshenno? Mise tolow dee cagaftii aad ka dul muuqan jirtay intii dhismuhu socday iyo jujuubka aad dayuuradaha ku haysaa waxbay daboolayaan aanad doonayn in ay bulshada gaadhaan?
Sidee ayey kaaga suurto gashaa in aad tidhaa aniga oo ah ciddii bulshadu duraysay baa caddaynaya inaan qarashkii madaarka lagu dhisayay la qadhiidhin? Miyey adiga iyo xukuummadda aad ka tirsantahay la haboonaatay in aad isha ka lalisaan sharciga dalkeenna oo aad dadka ka qarisaan sida ugu haboon ee loogu kala baxo xeerarka inoo yaal, hadana dadka ka sugtaan in ay idin sacab tumaan? Difaacan indhaha la’ eed la dhex taagantahay meel aan ahayn halkeedii, saw maaha wax muujinaya in lugi jeeni dhaaftay?!
Mar hadii aad adigu tahay kii hawsha fulinayay, cagaftana guudka ka saarnaa, dayuuraddahana sidii aad tahay karraani ka shaqeeya madaarka maalin walba hoostaagan tahay, saw gar maaha in aanu kaa shakinaa? Maxaad u diidaysaa inaad magacaaga difaacdo ee aad kolba hudheel afar oday ugu shirinaysaa? Ma is tidhi waxba lama qaban oo adigaaba marag furaya? Ma laga yaabaa in dadka qaybsaday qarashkii madaarka loogu talo galay aad qudhaaduba ugu horrayso? Maxamuud, billaahi calayk, gari Alle ayay taqaane na daw mari hadii kale qof baad tahaye wax uun qiro!