Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu qayb ka yahay muddo kordhinta, waxaanu tilmaamay in aanu isagu rabin muddo kordhin balseuu diyaar u yahay Doorasho inay dalka ka qabsoonto, waxaanu tilmaamay inuu marar badan ka hadlay Cabdiraxmaan Cirro mawqifka uu ka taagan yahay muddo kordhinta”.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in Xukuumaddu heshiiskii ay la gaadhay Axsaabta Mucaaradka ee ku saabsana muddo kordhinta ay kaga baxday, isla markaana Xeerarkii, Shuruucdii iyo Dastuurka Somaliland ay jabisay, waxaanu cadaalad daro ku tilmaamay muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Xukuumadda, waxaanu sheegay inay wakhtigii ay Komishanku u qabteen Doorashada inay Guurtidu si sharci daro ah u baalmartay, waxa kale oo uu ka hadlay Xisbiga Waddani, Masuuliyiinta dhawaan ka baxay iyo taageerada uu haysto, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Wakiilada, cid waliba wey og tahay in aanu qeyb ka ahayn muddo kordhinta, iyo mawqifka uu taagnaa, Guddoomiye Cabdiraxmaan xil weyn ayuu iska saaray arintan, isaga oo eegaya danta qaranka, iyo maslaxada umadda, haddii aanu anagu nahay Waddanina waxa aanu ilaaliyaana danta Umadda, anagu sidii Kulmiye ahaan mayno, dhib dadka iyo dalka u geysan mayno, waxa aanu ilaaliyaana midnimada, wada jirka iyo nabada, balse cidna uga waaban mayno in Shuruucda iyo Sharciyada dalka lagu tunto, sida ay Maanta Xukuumaddu wado, isbahaysiga Mucaaradku go’aan ayuu dhawaan ka soo saari doona arintan”
Uurcadde ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta iyo sababta keentay ayaa yidhi “Muddo kordhinta sababta keentay waa markii Xukuumaddu, ay diiday inay dalkan Doorasho ka qabato, ee heshiiskii ay wada galeen Xisbiyada iyo Xukuumaddu oo ahaa in la kala saaro Diiwaangelinta cod bixiyaayasha iyo Diiwaangelinta madaniga ah inay ku carqaladayso Madaxtooyada, markii dambe Golaha Wakiiilada loo gudbiyey, iyada oo aan la kala saarin, waxa kale oo jiray in muddo dheer aan la ansixin Guddida Komishanka, markii dambe waxa qasab laga dhigay in la yidhaahdo Diiwaangelinta lix bilood Doorashada ka hor ha la qabto.
Haddaba markii uu Komishanku hawshii uu bilaabay waxa ay garteen in muddo lix bilood ah ku qaban karaan hawlaha Diiwaangelinta iyo Doorashada, balse waxay meel ay ka maraan waayeen Guurtida oo lixdii bilood ee Guurtida loogu talagalay ayaa la carqaladeeyey, markaas taasi waxa ay keentay in Xisbiyada Mucaaradku ka fikiraan lix bilood oo kale, in lagu daro, madaama Xukuumaddu ilaalin wayday Dimuqraadiyadii, iyada oo lixda bilood ee komishanku sheegeen in Doorashadu ku dhacayso, ay ka baxsan tahay muddo xileedka Xukuumadda, waxa se qasab noqotay in lixda bilood ee kale ee ay Guurtidu kordhisay in aanu raacno ama aanu diidno, oo dib loo celiyo, waxa aanu is la garanaya in Xukuumaddu xilka sii hayso muddada Sannadka ah ee komishanku sheegeen inay ku qabanayaan Doorashada iyo lix bilood oo lagu daray, haddana waxa ay Xukuumaddu ka warwareegtay arintaas”.
Xoghayaha Waddani mar uu ka hadlaayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu yidhi “Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan waxa uu yidhi dhegaha ka furaysta, iyada oo arintan laga hadlaayo oo ay taalo ayuu dalka yimid, iyada oo Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranku muddo Sannad ah isku raaceen, waxaana cadaalad daro ah in Dimuqraadiyad ka baxsan in muddo kordhin aan la isku raacin oo aan sharciga iyo dastuurka ku jirin in Saleebaan iyo Siillaanyo isku raaceen, Komishanka ayaana xaq u lahaa inay cayimaan wakhtiga Doorashada”.
Xoghayaha Xisbiga Waddani Uurcadde ayaa mar uu ka hadlaayey heshiiskii Xisbiyada iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Umadda reer Somaliland waxa ay Maanta og tahay in Xukuumaddu diidan tahay oo ay iska dhego tirayso heshiiskii ay la gaadhay Xisbiyada, oo horeba laba goor ayey nagaga baxday heshiis, waxaana taas ka sii daran in Masuuliyiintoodu yidhaahdan Xisbiyada Mucaaradka ayaa nagaga baxay heshiiskii, waana nasiib daro weyn, cid heshiiska ka baxday, Dastuurkii Qaranka jabisay, muddo kordhin sharci daro ahna ku joogta waa la garanayaa”.
Xoghayaha Waddani ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiintii dhawaan ka baxday ayaa yidhi “Masuuliyiinta Xisbiga ka baxay, sidii ay noola shaqayeen aad ayaan ugu mahadnayaa,markii hore iyaga ayaa akhtiyaarkooda ku yimid Xisbiga, imikana iyaga ayaa akhtiyaarkooda kaga tagay, Xisbiyada Qarankuna Umaddu wey u wada siman tahay, waxayna ka mid ahaayeen Raggaasi muwaadiniinta reer Somaliland, halka ay doonaan wey gali karaan wax dhib ahna uma aragno, wax dhib ah oo ay nagu keenaysaana ma jirto, Xisbiga Waddani, waa Xisbi Qaran, waa Xisbi dhex u ah Bulshada reer Somaliland oo dhan, waa Xisbi Somaliland oo Taageero balaadhan ku haysto dhammaan Gobolada dalka oo dhan Barri ilaa Galbeed, Waqooyi ilaa Koonfur, markaas qof, laba qof ama saddex qof oo ka baxay wax alaale waxa uu u noqoyaa ma jirto”.