Ururka NASIYE Oo Socdaal Ku Gaalaa Bixiyay Gobalka Gabiley, Bulshadana Kulamo La Qaatay

0
603

 

nasiyreGabiley(Geeska)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka NASIYE Mr Axmed Muxumed Cumar (Talyaani)iyo wefti uu hogaaminyo ayaa socdaal ku kala bixiyay Magaalooyinka Wajaale, Gabilay iyo Arabsiyo oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gabilay  halkaas oo lagu soo dhaweeyey, waxaanu weftigu hawshiisa ka bilaabay Togwajaale.

 

Xaflad lagu qabtay halkaas, ayaa waxa ka qayb galay  koox aad tiro badan oo  dhalinyaro ah oo si wayn isku soo agaasimeen ka soo qayb galeen.waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka NASIYE Ahmed Muhumed Omer(Ahmed Talyaani)Guddoomiyuhu wuxuu u mahadceliyay Illaahay, kadibna waxa uu u mahadceliyay  dhalinyaradii reer Togwajaale ee hawsha soo qaban qaabisay waxaanu ugu hanbalyeeyey siday isku xilqaameen.  guddoomiyuhu wuxuu xog dheeraad ah ka bixiyay Urur-siyaasadeedka Nasiye, wuxuuna  u ballan qaaday in 75% ay yeelan doonaan hogaanka Ururka Dhalinyarada waxa hadaladiisii ka mid ahaa: “Ururka NASIYE wuxuu u aasaasanyahay in uu in badan wax ka qabto hawlaha dhaliinyarada hor umarintooda,hagaajintooda daryeelkooda ,udadaalkooda waxaanan idiin sheegayaa in barnaamijka xisbigu si wayn uxusayo dhaliinyarada waxaad ogtihiin in xisbiyada kale inta badan ay balanqaadaan in ay dhaliinyarada ay saami ka siin doono NASIYE waxa uu leeyahay waxaan saami go’ansiinaynaa Odayaasha. “ waxaana ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay Macalin Cabdi Iidaan Muxumed iyo Cabdi Saleban. Intaa ka bacdi Gudoomiyaha iyo weftigiisu waxay ku soo laabteen Magaalada Gabiley waxaanu halkaa kula kulmay dhamaan Sulaadiinta ,Cuqaashii, Waayeelkii iyo guud ahaan odayaasha Gobolka Gabiley oo aad usoo dhaweeyay Guddoomiyaha weftigiisa waxaanay warbixin ku saabsan Ujeedooyinka Asaasaka iyo mabadiid ururka NASIYE. Gudoomiyuhu wuxuu kaloo soo maray magaalada Arabsiyo wuxuuna halkaa kula hadlay koox dhaliinyaro ah oo ka hawl gala magaalada, halkaa oo uu warbixin ku siiyey dhaliinyaradii waxaanay ku qanceen sida wanaagsan ee uu gudoomiyaha ururku ulasoo socodsiinayo hadba halkay hawluhu marayaan.