Hargeysa (Geeska)-Ururka Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay kala shaqeeyso arimaha nabadgalyada iyo sidii ay wax ula qaban lahayd, iyaguna wixii ay la qaban karaan ay la qabtaan Xukuumadda.
Ururka Iskaashatada Nafaqo oo shalay iskugu yimid Shir aan caadi ahayn ayaa waxa nuxurka kulankaas ka hadlay Xoghayaha iyo Afhayeenka Iskaashata Nafaqo, waxayna sheegeen madaama ay abaaro jiraan in ka Guddi ahaan isla garteen in Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka, Xoghayaha iyo waliba Masuuliyiinta Nafaqo ay u kordhiyeen muddo xilkeedkiisi muddo hal sanno ah, cod bayna galiyeen in muddo kordhintan la diido ama la yeelo, balse xubnihii ururka nafaqo ee ka soo qayb galay dhammaantood wey ogoladeen, cid diidayna may jirin, cid ka aamustayna may jirin, sidaas ayaana loogu kordhiyey.
Guddoomiyaha Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo Maxamuud Cabdi Maxamuud (Guray), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aanu jeclayn in muddo kordhin loo sameeyo, balse madaama ay timid in loo kordhiyo hal sanno, oo abaar xumin ay jirto, wuxuu sheegay in ilaa iyo 150 shirkaan oo subag ah ugu deeqaayaan dadka reer miyiga ah ee ay abaartu hayso, waxaanu xusay inay ka qayb qaadanayaan taakulaynta abaarta jirta, waxaanu ku taliyey in la ilaaliyo sharciga u yaala Ururkooda Nafaqo, Waxaanu Xukuumaddu inay la shaqeeyso maamulkooda inta laga wareejinayo oo maamul kale oo la doortay kala wareegayo, waxaanu kula taliyey in aanay Xukuumaddu sabab u noqon inay kala jabiso Ururka Nafaqo.
Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Xubno ka tirsan Iskaashatada Nafaqo oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dhammaantoodna waxay sheegeen inay iyagu garteen in muddo kordhin loo sameeyo maamulka nafaqo, waxayna tilmaameen inay aad uga xun yihiin Abaarta jirta, waxayna Xukuumadda u soo jeediyeen inay si fiican ula shaqeeyso maamulka jira ee Nafaqo.
Ururka Iskaashatada
Nafaqo Oo Muddo Sannad
Ah U Kordhiyey Maamulkoodii
Comments are closed.