Ururka Horseed Oo Cambaareeyay Xukunka Lagu Riday Salaadiinta Hargeysa

0
558

Xadhiga iyo xukunka lagu riday madax-dhaqameedka waa aar-goosi siyaasadeed

1

 Xeebaha waqoyiga Hargeysa-na waa qayb g/Hargeysa sidu magacu-ba sheegayo

War-saxaafadeed / Ururka  Horseed  ;-

Gudomiyaha ururka wadaniga ah ee Horseed Md.Calawi Cabdi Gaboobe ayaa si

Adag uu naqdiyey goa’anka maxakamada gobalka Hargeysa ee wareegtaa ay ku riday  Dhawr iyo Toban qof  oo ay ku jiraan qaar ka mid ah madax dahqameedka

Beelaha Sacad  Muuse ee xadhiga iyo ganaaxa-ba leh , waxaanu ku tilmaamay mid

Sharci darro ah oo aargoosiya.

Warsaxaafadeedka guddoomiyaha Horseed, ayaa u dhignaa sidan “Go’aanka maxkamada  wareegta ee g/Hargeysa  ay ku riday ;

1.Sul.Mawliid Cali Ibraahim  Sabeyse .

2.Sul.Ibraahim Sul.Sulub  Nuur .

3.Chief Caaqil. C/raxmaan  Xasan  Xoorre .

iyo dhawr toban qof  ee ka soo jeeda  deegaanada  waqoyiga iyo galbeedka

Hargeysa Waxaanu uu aragna inay  tahay sharci darro , sababtu-na tahay ;

1.wax dhaawac ama dil ah oo meeshii ka dhacay ma jiro .

2.Dalkeena  Jamhuuriyada  Somaliland beri & galbeed-ba  dhibaatoyin aya ka

Dhaca ( dil & dhaawac-ba ) gaadh-siisan , haddana salaadiin inta la xidh-xidhay

Oo La xukumay  ma jiraan ! .

Sido kale waxa la yaab leh nimankan garsoorayaasha ah ee dadka ku ridaya

Xukun ay  ku raali gelinayaan cid gaar ah , miyaanay Allaha weyn ka cabsoonayn?.

Gebo-gabadii , waxaanu  ku adkeesanayna oo inaga go’an inaanu horumarino

Dhulkayga ku  teedsan xeebaha waqoyiga gobolka Hargeysa  insha’a ALLAAHU .”