Hargeysa (Geeska)-Urur cusub oo lagu magacaabo Daruuri oo ay ku bahoobeen Ganacsatada Bakhaarleyda dalka, ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.
Xaflad balaadhan oo lagu daahfuray ururka cusub ee ganacsatada kala duwan ee bakhaarlayda ah oo lagu qabtay Guuleed Hotel ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Maayirka Caasimadda iyo Shirkadaha kala duwan ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Cabdirashiid Guuleed Axmed oo munaasibaddan ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan si weyn u soo dhaweynayaan ururka ay ku bahoobeen ganacsatada bakhaarleyda dalka, isagoo ballanqaaday in wasaaraddiisu dardar-gelin doonto dhammaystirka xeerka kala xadaynta ganacsiga.
Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Ibraahin Ismaaciil Cilmi ayaa isaguna caddeeyey inay si buuxda ula shaqayn doonaan ururka Daruuri oo noqonaya kii ugu horreeyey ee mideeya ganacsatada bakhaarleyda dalka.
Maayirka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey aasaaska ururka ay samaysteen ganacsatada leh bakhaarrada lagu iibiyo badeecadaha kala duwan, waxaannu sheegay inuu si weyn ula shaqayn doono.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Daruuri Barkhad Xaaji Cismaan oo halkaas ka hadlay ayaa ka xog waramay ujeeddooyinka iyo hadafka loo abuuray ururkooda cusub, waxaanu yidhi “Ururka Daruuri waxa ku bahoobay aasaaskiisa hadda marayaa 5000 oo bakhaarlayda ah, baahida keentayna runtii waxa ka mid ah in bakhaarlaydu hesho xuquuqdeeda ganacsi, iyaguna aanay ku xadgudbin bulshada. Markaa maanta ayaa ILLAAHAY in tusay awooddeennii, waxaanan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland in la shaqeeyaan ururka bakhaarleyaasha ee Daruuri.
Ururka waxa loo aasaasay inuu ka shaqeeyo danaha bakhaarlayda Somaliland. Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland ururkani maaha mid siyaasadeed ee waa mid bulsho oo ka shaqayn doona danaha ganacsatada dhexe ee bakhaarlayda.”
Guddoomiyaha Shirkadda Sharaabka ee Zamzam Food Industry Axmed Maxamed Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda ururkani u leeyahay dhammaan ganacsatada bakhaarleyd dalka, kaas oo uu xusay inuu ilaalin doono xuquuqdooda iyo ta bulshadaba.
Waxa kale oo xafladda ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada bakhaarleyda, kuwaasoo ugu baaqay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland inay dhaqan-geliso Xeerka Kala-xadaynta Ganacsiga oo ay tibaaxeen inay baahi weyn u qabaan.