Uruka Somaliland Law Graduate Association Oo Bogaadiyay Guddoomiyaha Maxkamada Sare

0
558

Uruka Somaliland law graduate association oo Amaanay Wax-Qabadka Cadaaladeed ee Gudoomiyaha Maxakamada Sarre Hadii aanu nahay Ururka Garyaqaanada Midoobay Ee loo yaqaano Somaliland law Graduate Association waxaanu halkan maanta Ka iftiiminaynaa Wax-Qabadka Cadaaladeed ee Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee JSL ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada Prof Aadan Xaaji Cali Axmed oo Hay'ada Garsoorka iyo Bahada Cadaaladaba kusoo Kordhiyey Dhiig Cusub isla Markaana Dib u Habayn balaadhan ku sameeyey Habka Shaqo ee Garsoorka JSL isla markaana Garsoorka kusoo kor dhiyey Dhalinyaro Aqoonyahano ah oo kasoo Baxay Jaamacadaha Sharci ee Wadanka kuwaas oo Bulshada Reer Soomaliland ku abuuray inay soo Celiyaan Kalsoonidii lagu Qabay Garsoorka Soomaliland oo intii Soomaliland jirtay ba aanay dadwaynuhu kalsooni ku qabin taas oo sabab u ahayd in aan lala Xisaabtamin Garsoorayaasha isla markaana aan lala Socon Kiisaska ay Gacanta ku hayaan, Sidoo kale na waxa uu Shaqada ka joojiyey Garsoorayaashii iyo Kaaliyayaashii Maxakamada Dalka ee ay Cabashadoodu Buux Dhaafisay Gudida Cadaalada iyo Xafiiska madaxwaynaha ba.

1

Waxaana Marag Ma doon ah in Ducadii Dhibanayaashu kor u Qaaday haybada Gudoomiyaha Maxakamada Sare ' Sidoo kale na ay %100 yareeyey Cabashadii Dadwaynuhu ula Tagi Jireen Madaxtooyada taas oo dhib wayn ku haysay Shaqadii Uu Qaranka u hayey Madaxweynaha Qaranku. Ugu dambayn na waxuu Ururku Hambalyo u Dirayaa Madaxweynaha Soomaliland oo ku Guulastay inuu soo Magacaabo Xubin Aqoon iyo Waayo Aragnimo u leh Habka Xalinta Khilaafadka Dadwaynaha ' Waxaay Gudoomiyaha kula Dardaarmeen inuu Dedaalkiisa halkaas kasii wado ilaa inta la Cidhib Tiraayo dadka kuqabso ku Qadi maysid Maalin walba la taagan Maxakamada ha Dalka .

Garyaqaan C/ladiif Maxamud Xirsi ( Ludfi ) Gudoomiyaha Ururka Garyaqaanada Midoobay