UDUB Wuxuu Dhintey Maalintii Rayaale Shirkii Golaha Dhexe Hoosta Ka Soo Xidhay, Kulmiye-na Wuu Burburi Haddii Ay Taasi Dhacdo

0
632

Picture1Waxa Caado u noqotey Asxaabta Somaliland in aanu sharcigu shaqayn ee uu rabitaanka shakhsigu uu shaqeeyo. Xisbigii ugu horeeyay ee Somaliland laga asaasay oo UDUB ahaa waxa burburiyay damiciii Guddoomiyihii Daahir Rayaale Kaahin oo diiday in lagula tartamo inta uu Maansoor hoosta kasoo xidhay dibadana laga dhigay ragii damaca lahaa ee Cabdillaahi Dirawal iyo Ismaaciil Yare kamidka ahaayeen. Sababtuna waxay ahayd Daahir Rayaale oo aan kalsooni ku qaban in golaha dhexe markale Mushaxa u doortaan. Waana tii la ogaa wixii kadhacay ee aakhirkii naafadii uu xisbigu maalintaas qaaday uu aakhirkii udhintey.

Mid taas u eeg ayaad moodaa inay maanta Kulmiye ka muuqato. Musharixiin ilaa 4 ah oo ay ahayd inay xuquuq siman kuyeeshaan xisbiga ololihiisa ayaad moodaa in Guddoomiye Muuse Biixi dhinac Ula jeedsaday isaga oo awoodo aanu lahayn isticmaalaya. Waxay ahayd inuu Guddoomiyuhu hoggaamiyo guddida fulinta oo ay soo magacaabaan guddi qaban qaabo. Marse hadii guddoomiyihii musharax noqday waxay ahayd in xisbigu guddi madax banaan umagacaabo qaban qaabada golaha dhexe.

Hadii ay dhacdo in koox gaar ahi hoosta kasoo xidhato Shirka golaha dhexe ee Kulmiye waxa uu mari doonaa dariiqii uu UDUB maray. Dhibtuna waa ashkhaas raba inay xisigii ummadu wada lahayd ka dhigaan shaadh aan cid kale leekaan. Tani waxay keeni doontaa in aan cidina waxkhti Iska galin xisbiyada oo maantaba dadka intii ugu badnayd dib uga joogsadeen.

Waxa iswaydiin leh waxa ilaa maanta loo waayay xisbi Kaliya oo hoggaankiisa iyo musharixiintiisa lagu tartamay, marka la isku dayana dibada laga dhigo ciddaas. Majirto aduunyada wax layidhaa hebel baa xaq uleh waase nin waliba Barnaamijka uu soo bandhigo. Mujaahidnimo waxba ka tari mayso shaqo abuur, Caddaalad, ictiraaf iyo midnimo ummadeed hadaanay wadan Barnaamijkeedii.

Waxaan maqlayay rag waaweyn oo leh Musharximada Kulmiye waxaa xaq u leh Guddoomiyaha. Malaha waxaanay ogayn in ragga sharaxan ee Ahmed Kijaandhe iyo Cabdicasiis Samaale ay Kulmiye aasaasayeen uu Muuse Biixi ahaa ururkii Sahan.

Waxaan kula talin lahaa Kulmiye anigoon xisbina taageerin inay Xisbinimada ka horeysiiyaan damaca shakhsiga ah. Tartan xor ahna galaan, kii soo baxana taageeraan. Wixii aan intaas ahayn waa Burburka Xisbiga oo idinka iyo Qarankaba Ceeb ku ah.

Xisbigii UDUB wuxuu Dhintey Maalintii Daahir Rayale Maansoor Hoosta Kasoo Xidhay Kulmiye na Wuu Burburi Hadii maanta Muuse soo Xidho.

Axmed Ismaaciil Cabdi