UCID Oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Xildhibaan Jaamac-Riyo

0
580

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa cambaareeyay weerar uu  nin lagu magacaabo Dugulo  Salaasadii doraad uu shaah dusha kaga shubay xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ka tirsan golaha guurtida.

Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray guddoomiyaha UCID ee gobalka Maroodi-jeex Faysal Abiib Gudhane, ayaa wuxuu u qornaa sidan: “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID  Waxaa Uu War-Saxaafadeedkan  Ku  Canbaareynayaa  Dhaawaca Iyo Tacadiga Loo Geystey  Xildhibaan Jaamac  Faarax  Axmed  (Jaamac  Riyo ) oo golaha Guurtida Somaliland ka tirsan oo maalintii shalay  si baadheedh ah loogu weeraray Afaafka Hore Ee Golaha Guurtida ee Somaliland halkaasi oo sida Xildhibaanka iyo dadkii halkaasi ku sugnaayeenba sheegeen nin Ciidanka CID-da ka tirsani Uu  Mudane-aha si badheedh ah uu ku faro saaray,

Xildhibaan Abwaan Jaamac Faarax  Axmed (Jaamac Riyo) sida aynu og nahay waa Xildhiibaaan umaddu Igmatey, isla markaana ah Abwaan mu alif ah oo suugaanta ku caan ah,waxana  Xukuumaddu dhibsatay Gabayo uu  Abwaanku sameeyo oo xaaladdaha taagan iyo dareenkiisa ku cabiro taas oo ah mid uu xaq u leeyahay sameynteeda.

Hadaba  waxa uu Xisbiga Cadaaldda iyo Daryeelka  UCID uu cod dheer ku canbaaraynayaa falka mudane Abwaan Jaamac riyo sida badheedhka ah Ninka loo adeegsaday kula kacey isla markaana waxa ay Taliyaha Ciidanka Bileyska Sareeye Guuto Cabdilaahi  Fadal Iimaan u soo jeedinayaan in uu si deg dega uga jawaabo una soo qabto ninka la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidanka CID-da oo hadii ay arintaasi jirto  Ciidanka Amniga Sumcad daro weyn ku ah maadama oo Golaha Guurtida Hortiisa uu falkani ka dhacay taas oo sawir xun iyo dhiiri gelin faldanbiyeed ku ah Amniga qaranka.

Ugu danbeyntii  Xisbiga UCID  waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba Canbaaraynayaa falkaasi amni darada ka turjumayay ee weerarka lagu la kacay Abwaan Jaamac  Faarax Axmed Riyo oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland waxana aynu og nahay iyada oo ilaa hada aan waxba laga qaban weerarkii kan ka horeeyay ee lagula kacay Xidlhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo isna fal isku day dil ah magaaladda isaga oo maraya loogu geystay  ilaa hadana wax laga qaban iyo Falkii Wargeyska Hubaal oo isna Rag Asgarta Ciidanka Amniga ka tirsani weerar kula ka ceen horaantii Sanadkii hore imikna waliba Xayiraad sharci daro ah loogu daray,marka waxa aanu falalkaasi isa soo taraya  ee amniga Somaliland lidiga ku ah Isla markaana Gawrac Ku Ah Xoriyotul Qawlkii Qarankani Ku Soo Caano Maaley Sadexdii Dawladood Ka Horeeyey Dawladan Axmed Siillaanyo Gadhwadeenka Ka Yahey.”