Tirada Xubnaha Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland Ee Ka Mid Noqday Dawladda Cusub Ee Somaliya Iyo Deegaanada Ay U Kala Dhasheen

0
543

Picture7Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha dawladda Somaliya ayaa habeen hore ku dhawaaqay liiska golaha wasiirada, wasiir xigeenada iyo wasiirul dawlayaasha oo ka kooban 55 xubnood.

Raysalwasare Cabdiweli, ayaa wuxuu golihiisan cusub ee wasiirada ku daray xubno dhawr ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ka horyimid aayo ka tashiga shacbigooda islamarkaana aaminsan mabda’da federaalka Somaliya. Xubnahan oo dhammaantood rag ah waxa ay kala yihiin:

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ah wasiirka diinta iyo awqaafta ahna raysalwasaare xigeen (Isaaq, Habaryoonis)

Jaamac Axmed Maxamed oo ah wasiirka tamarta iyo biyaha (Isaaq, Habar-jeclo)

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ah wasiirka arrimaha dibadda (Samaroon, Maxamed Case)

Daauud Maxamed Cumar, oo ah wasiirka macdanta (Dhulbahante, Ba-hararsame)

Siciid Jaamac Qoorsheel oo ah wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada (Warsengeli, jibriil siciid)

Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiirul dawlaha gaashaandhiga (Ciise)

Jamaal Xasan Ismaaciil oo ah Wasiir xigeenka dekeddaha iyo gaadiidka badda (Isaaq, Arab)

Cabdalla Xaaji Cali Axmed, Wasiir xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada (Isaaq, Ciise Muuse)

 Siddeedan xubnood ee Somaliland ka soo jeeda ayaa intooda badani ay yihiin xubno ku cusub dawladaha kala duwan ee loo dhiso Somaliya, waxaanay badankoodu ka tirsayihiin Baarlamaanka Somaliya loo dhisay.