Tirada Tahriibayaasha Gaadhaya Dalka Giriigga Oo Sannadkan Kordhay 223%

0
554

Picture3Athens (Geeska)- Guddida sare ee arrimaha qaxoonta ee dalka Giriigga ayaa shaaca ka qaaday in jasiiradaha Giriiggu ay ku jiraan xaalad dedeg ah, maadaama oo aanay jirin imkaaniyaadkii u suurtogelin lahaa in ay martigeliso qaxoontiga kaga soo qul-qulaya dhulalka ay colaaduhu ka jiraan, kuwaas oo sannadkan 2014ka ay tiradoodu kor u kacday boqolkiiba 223, marka la barbar dhigo sannadkii hore.

George Tsabropoulos oo madax u ah guddidan ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Xaaladda Jasiiradahan, gaar ahaan dhinaceeda Koonfur Bari ee badda Aegean iyo Archipelago Dodekanisa xaaladdu aad ayaa ay u adag tahay, waayo waxa aan jirin imkaaniyaadkii suurtogelin lahaa in deegaannadaasi ay qaabilaan qaxoontiga. George Tsabropoulos oo ka hadlayey shir jaraa’id ayaa waxa uu intaas ku sii daray, “Laamaha qaxoontiga qaabilsan ee jasiiradahaasi waxa ay xagaagan arkeen masiibo bani’aadamnimo, dadkii oo weliba u badan carruur ayaa isa saxmadeeyey oo nidaamkii ka lumay”

Qaxoontiga gaadhaya dalka Giriigga oo badankoodu ay yihiin dad doonaya in ay u sii dhaafaan dhinaca Yurub ayaa inti iu dhaxaysay bishii Koowaad illaa bishii Siddeedaad ee sannadkan 2014ka waxa ay tiradoodu gaadhay 22,089 (Laba iyo Labaatan kun iyo siddeetan iyo sagaal) qof, halka muddadaas oo kale sannadkii hore ka ahayd 6’834 (Lix Kun Siddeed boqol Soddon iyo Afar) ruux . Dadkan qaxoontiga ah jinsiyadahooda waxa ugu badan dalka Suuriya oo aan juquraafi ahaan ka fogeyn Giriigga. Bishii sagaalaad ee sannadkan oo keliyana waxaa Giriigga dhinaca badda ka galay 7500 (Toddoba kun iyo shan boqol) oo qof oo u badan Suuriyiin, Soomaali, Ereteriyaan iyo Afgaanistaaniyiin.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Riyaad ee ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa intaas ku daraya in dowladda Giriigga ayaa la sheegay in aanay hadda awood u lahayn in ay buuxiso baahiyaha caafimaad iyo hoy ee dadka qaxoontiga ah, waxa aanay marar badan arrintan u gudbisay Midowga Yurub oo ay ka dalbatay in laga caawiyo sidii loola macaamili lahaa mawjadahan muhaajiriinta ah ee ku soo jabay Jasiiradaha Giriigga oo dhowr Kilomitir u jira dalka Turkiga.

Dadka u haajira dalka Giriigga oo badankooda uu ku jiro damac ah in ay u dhaafaan dhinaca Yurubta galbeed oo ay aaminsan yihiin in ay ka helayaan nolol dhaanta ta’ ka jirtay dhulalka ay ka yimaaddeen ayaa inta badan ku cawda in dowladda iyo dadka dalka Giriiggu ay ula dhaqmaan si arxan darro ah, isla markaana ay la kulmaan ficillo takoor ah iyo ciqaab gacan ka hadal ah oo mararka qaarkood ay booliisku si badheedh ah ula beegsadaan.

Dalalka Ciraaq oo ay ka jiraan xasarado siyaasi ah, dhulka Kurdiyiinta oo qayb ahaani raacsan tahay Turkiga, Suuriya oo Colaado lagu hoobtay ka jiraan iyo dalka Soomaaliya oo ay dadkoodu si fudud fiisayaal uga helaan dalka Giriigga iyo weliba dalal kale oo Aasiyada fog ah oo iyaguna xad la leh Turkiga ayaa la aaminsan yahay in ay dadkoodu ugu badan yihiin qaxoontiga Giriigga u gudbaya oo badankoodu kaga yimaaddaan dhinaca Turkiga.