Talo Soo Jeedin, Aqoonyahanak Beesha Arabsiyo

0
788

Anigoo ah aqoonyahano kasoo jeeda beesha Arabsiyo, waxan talo ka bixinaynaa xaaladaha cusub ee dalka ka aloosamay ee ah ismaan-dhaafka xisbiga Kulmiye ee u kala qeybsamay labada garab, iyadoo weliba liisaska ay soo saareen labada geesood ee Xisbiga Golihiisa Dhexe iyo ka fulintaba aanu midkoodna ku darin xubnihii aanu ku lahayn, horena wixxi aanu mas'uuliyiin ku lahayn Xukuumaddan looga sifeeyey, haddana dalku waa kaayagii oo burbur lama doonayno.

Sidaa darteed, waxanu talo ahaan kusoo jeedinaynaa qodobadan hoos ku qeexan:

1. Waxanu labada garab usoo jeedinaynaa in la joojiyo wixii Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo 

     nabadgalyadu kow ka tahay, aqoonsi raadintana wax u dhimaya.

2. Waxan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiya gaar ahaan ugu soo jeedinaynaa, in kalsooni uu ku abuuro Madaxweynaha, dhegahana ka furaysto durbaannada kale ee dhexdooda laga tumayo, waayo Madaxweynuhu waa ninkii aad guusha muuqata wada dhaliseen, imikana waxad curin kartaan jawi wanaagsan oo aad idinku hawsha dhexdiina taal  ku dhammeystaan, idinkoo ka eegaya dhinaca danta guud ee Ummadda. 

3. Dawladda waxanu usoo jeedinaynaa in dulqaadkii dawladnimo lahayd muujiyaan, una yeeshaan dulqaad waxyaabo badan oo qaarkood ku kacayaan kuwa dano gaar ahaaneed ka lihi.

4. Dadweynaha waxan isna usoo jeedinaynaa in wixii baylah ah ee xasaasi ah ay si dhakhso ah u gaadhsiiyaan cidda ay khusayso ama inaad idinku isxilqaantaan oo aad gacantiina wax kaga qabataan

 

Ugu dembeyn waxanu diyaar u nahay inaanu Degmo ahaan la shaqeyno dawladda, wixii talo nasteex ahna siino mar kasta oo xaalad adagi soo wajahdo dalka.

                                                  

ALLAA    MAHAD LEH

Qorayaasha

1. Ali Ibraahin Xadd       

2. Yuusuf  Warsame  Faarax