Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo Gaadhay Maxbuus Xidhnaa Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Uu Askari Furay

0
523

Picture7Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay dhaawac soo gaadhay wiil dhallinyaro ah oo ku xidhnaa xabsiga Ibraahim Koodbuur ee Hargeysa, ka dib markii uu askari joogay rasaas furay. Taliye Fadal, wuxuu sheegay in askarigu doonayay inuu rasaasta ku kala celiyo laba maxbuus oo isku dhex dilay qolkii ay ku xidhnaayeen oo uu wiilkan dhaawacmay ku jiray taas oo uu ku tilmaamay dambi  uu askarigu galay, waxaanu taliye Fadal u mahadceliyay qoyska wiilka dhaawacmay oo uu sheegay inay masuuliyad muujiyeen, isagoo sheegay inay dawladu damaanad qaadatay daawaynta wiilka dhaawacmay oo yaala cisbitaalka Hargeysa, “Abaaro 8:30 subaxnimo ee saaka (Shalay) ayaa waxa qol ay ku xidhnaayeen ku dhex dagaalamay laba maxbuus dabadeedna askarigii shaqada u lahaa ayaa  rasaas ku riday maxaabiistii, laakiin rasaastii waxay ku dhacday maxbuuskan dhallinyarada ah oo aan isagu ahayn labadii dagaalamayay. Markii uu falkaasi dhacay askarigii waanu qabanay sharciga ayaanan hor keenaynaa oo waa laga abaalmarinayaa dambiga uu galay, waana khalad dhacay. Alle waxaan uga baryayaa wiilka dhaawacmay inuu Shaafiyo, dawladuna waxay la wareegtay daawayntiisa, waxaanan halkan uga mahadcelinayaa qoyska uu wiilkaasi ka dhashay oo markii ay arkeen dedaalka dawladda muujiyay masuuliyad.” Sidaas ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan.