Tahriibe Soomaali Ah Oo Ka Sheekeeyey Saxariirkii Tahriibka

0
708

Picture3Lampadusa (Geeska)- Ismaaciil markii uu tahriibayey si uu u tago Yurub, waa uu ka warqabay safarka doonta lagu tegayo Talyaanigu in uu khatar badan yahay, laakiin waxba kama uu ogeyn arxan darrada kooxaha tahriibiyeyaasha ah oo sii aan jixin jix lahayn u ciqaabi doona. Wiilkan yar waa la afduubay, la garaacay, kadibna lacag madax furasho ah lagu soo daayey, waxa uu indhihiisa ku arkay gabadh ka mid ahayd tahriibayaashooda oo kooxda tahriibiyeyaasha ahi ay kula kaceen kufsi wadareed soo noqnoqday.

Ismaaciil oo ka baqay in uu sheego magaciisa runta ah iyo in sawirkiisa si muuqata loo faafiyaa waxa uu ka mid ahaa 8 kun oo ah tahriibayaal bilihii sannadkan ku guulaystay in ay doonayaha khatarta badan ku gaadhaan Talyaaniga. 16 sano jir ayaa uu ahaa bishii hore markii uu gaadhay dekedda Lampedusa, haayadda babaadada carruurta oo uu ka mid ahaa carruur ay daryeel gaar ah siinaysay ayaanu uga sheekeeyey waayihii dhibta badnaa ee soo maray.

Ismaaciil waxa uu Soomaaliya ka soo haajiray bishii Diisambar ee sannadkii hore (2014), markii aabihii geeriyooday, kadibna qoyskii awoodi waayey in uu ka bixiyo lacagta dusiga, maba uu soo dhuuman ee si badheedh ayaa uu u soo sagootiyey hooyadii, laba hablood oo uu la dhashay iyo Shan wiil oo ka yaryaraa.

Ismaaciil waxa uu ka sheekeeyey duruufaha nololeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya ku soo maray iyo xaaladaha ku kallifay in uu tahriibo sida uu sheegayo, kadib waxa uu u soo gudbay jidka uu soo maray iyo dhibaatooyinkii dhacayey muddadaas uu soo socday.

Magaalada Hargeysa ayaa uu Bas ku yimi, halkaas oo uu kula kulmay rag tahriibiyeyaal ahaa oo lacag inta ay ka qaadeen geeyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. In kasta oo sida uu sheegay qaar saaxiibbadii ka mid ah lagu qabtay xadka Somaliland iyo Itoobiya dibna loo soo celiyey, laakiin isagu waa uu gudbay. Markii uu Addis Ababa gaadhay waxaa u yimi koox tahriibiyeyaal ah oo u sheegay in ay u qaadayaan magaalada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya, laakiin laga rabo in uu bixiyo lacag dhan Afar kun iyo Toddoba boqol oo doolar ($4’700), waxa aanay u ballan qaadeen in lacagtaas aan qaddimaad looga rabin ee hadhow uu talefan kaga soo dalban karo qoyskiisa. Iyaga oo u ballan qaaday in ay siin doonaan talefan uu dadkiisa kala soo xidhiidho, dhar uu xidho iyo meel uu habeenkii seexdo.

Ismaaciil waxa uu sheegay in intii ay ku soo jireen jidka u dhexeeya Addis Ababa iyo magaalada Khartuum ee dalka Suudan kaantarool kasta oo ay soo maraanba ay tahriibiyeyaashu lacag laaluush ah siinayeen askarta joogta si aan loo joojin oo ay u gudbaan, sidaas ayaanay ku yimaaddeen Khartuum.

Ismaaciil waxa uu sheegay in muddo 15 maalmood ah oo ay safar gaadhiya ay ku jireen si ay Liibiya u soo gaadhaan, cuntada keliya ee ay cuni jireen ay ahayd buskud iyo sharaabka qasacadaha oo Maango ah. Waxase uu sheegay in intii xaalkoodu uu sidaa ahaa ay nicmo ahayd, silica iyo saxariirkuna u hadhsanaa.

Markii uu Suudaan yimi waxaa lagu wareejiyey Tahriibiyeyaal kale oo halkaa joogay, si ay u gaadhsiiyaan magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in nimankan cusub ee loo dhiibay iyo kuwii marka hore waday ay ahaayeen koox isku xidhan oo wada shaqaysata.

Lix maalmood kadibna isaga iyo 30 Tahriibe oo iyaguna Soomaali ahaa ayaa gaadhi xamuul ah oo aan qaadi karin qasab lagu le’ekaysiiyey, waxaanay mareen lama-degaanka aadka u ballaadhan ee u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya. “Intii aanu lama degaankaas ku sii dhex jirnay Tahriibiyeyaashu inta ay dumarka nala socda kaxaystaan ayaa ay kufsan jireen” ayaa uu yidhi Ismaaciil oo intaas ku sii daray, “Mid ka mid ah dumarka ay kufsanayeen waxa ay ahayd gabadh uur Toddoba bilood ah leh. Waxa aanu isku daynay in aanu ka hor-istaagno laakiin hub ayaa ay noogu hanjabeen” Ismaaciil waxa uu yidhi, “Gabadha uurka lahayd markii inta ay soo kufsadeen ay soo celiyeen ayaa inta ay masarkeedii la baxday isku dayday in ay cunaha iskaga ceejiso (Is-daldasho) si ay u dhimato, laakiin nasiib wanaag waanu ka gaadhnay. Aad baanu u waaninnay, annaga oo u sheegayna in waxa ku dhacay aanu qaladkeeda ahayn, sidaa awgeed ay is dejiso”

Isaga oo ka waramaya arrinta taas ka sii xanuunka badan ee ay tahriibiyeyaashu ku kaceen kufsiga kadib ayaa uu yidhi, “Markii safarkii gaadhigu dib u bilaabmay, ayaa darawalladii na waday, ay mid ka mid ah hablihii nala socday ay qasab kaga dhigeen in ay dhinac fadhiisato iyada oo qaawan, kadibna ay samayso waxa uu doonayo”

Ismaaciil waxa uu ka mid yahay tahriibayaasha aan tirada lahayn ee lagu qasbo in ay soo maraan lama degaankaas dhibta badan iyo mararka qaarkood deegaannada colaaduhu ka socdaan ee dalka Liibiya, waxaa wata tahriibiyeyaal khiyaamo kaga soo kaxeeyey dhulkoodii, ama sooba afduubay marka dambana ka dalbada lacag madax furasho ah oo noloshooda ay ku beddeshaan”

Ismaaciil iyo dhalinyar kale oo la waraystayba waxa ay iska daba mareen xusuuso la xidhiidha tacaddiyo jinsi iyo ciqaabo ay kala kulmeen Tahriibiyeyaash oo mararka qaarkodo ay gaadhay in qaarkood ay ku sii dhinteen safarkii, kadibna baabuurta laga tuuray, ama inta ay badda ku dhex dhinteen badweynta lagu daray maydkooda. Sida uu Ismaaciil sheegayo intii ay ku sii socdeen Tripoli waxaa jidka deegaanka AJ-daabiya ee Liibiya u galay kooxo isu ekeysiiyey saraakiil booliis oo marka ay qabtaan tahriibayaasha ku yidhaahda, “Ku soo dhowaada Cadaabta” mar kale ayaa ay kooxdani tahriibayaashii Ismaaciil ku jiray qabsadeen, waxa aanay sii daayeen markii uu qof kastaa bixiyey lacag dhan 300 oo doolar. “Muddadaas ay na hayeen kooxdan cusubi, lanooma ogolayn in aanu wada hadalno, sidoo kale macno darro ayaa si joogto ah lanoogu garaaci jiray” ayaa uu yidhi Ismaaciil oo intaas ku si idaray, “Hooyaday ayaa aan talefan u soo diray, nasiib wanaagna waxa ay awoodday in ay lacagtaas soo hesho oo ay u soo dirto koox ku xidhan qolada na haysta oo jooga Khartuum, kuwaas oo markii ay lacagtii heleen la hadlay kuwii na haystay si ay noo sii daayaan” La soco…