Tababar Ku Saabsan Dardar Gelinta Shaqada Oo Loo Qabtay Hawl-Wadeenada Hay’adda Shaqaalaha

0
485

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii  hore ee Hay’adda Shaqaalaha Somaliland haatana loo magacaabay wasiirul dawlaha wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Mixile Boqore  ayaa tababar muddo laba cisho ah u furay hawl wadeenada  kala duwan ee Hay’adda Shaqaalaha.

1

Tababarkan oo ka furmay xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada ayaa ku saabsan kobcinta iyo dardar gelinta hawl wadeenada hay’adda shaqalaha, waxaana munaasibadii lagu furayey ka soo qayb galay Gudoomiyihii hay’adda shaqaalaha, agaasimaha hay’adda shaqaalaha iyo agaasime waaxeedyada hay’adda shaqaalaha dawlada.

Ugu horayna waxa munaasibadii lagu furayey tababarkan ka hadlay agaasimaha hay’adda shaqaalaha dawlada Xasan Aadan Geedi, waxaanu yidhi “ Waxa halkan inooga furmi doona laba maalmood oo tababar ah taas oo hadafkeenu yahay inaanu tayeyno oo aanu dar dar gelino  shaqaalaha si aynu uga qayb qaadano dar dar gelinta dhamaan shaqada qaranka.”

Gudoomiyihii hore ee hay’adda shaqaalaha haatana loo magacaabay wasiirul dawlaha wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Mixile Boqore oo isaguna ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa ka waramay ujeedooyinka loo qabtay waxaanu yidhi “Tababarkan waxaanu u qabanay inaynu is yar xasuusino shaqadeenu maxay tahay?, qofk walba maxaa laga rabaa, waajibaadka laynaga rabaa waa inaynu dib ugu noqono wasaaradihii mar dambe oo aynu  ku baahno si aynu u ogaano in qaabka ay u shaqeeyaan yahay qaabkeenii iyo in kale, sida loo shaqaynayana waa in inaga laynaga eegtaa.” Ayuu gudoomiye Maxamed Mixile Boqore.

Sidoo kale gudoomiye Boqore ayaa sheegay inay wadaan mashruuc lagu tayeynayo shaqaalaha iyo shaqadooda, kaas oo uu hir gelinayo baanka Aduunka, waxaanu hawl wadeenada hay’adda shaqaalaha kula dardaarmay inay dedaal aad u badan muujiyaan.”