Qor:- Maxamed Axmed-Bedel Qaybtii 2aad
warasadiisii ayuu illaahay ku barwaaqeeyey. Waxa laga yaabaa inta dhoofka ku kala maqan ee baduhu ay kala xidheen qaarkood in aanay weli is arag.
Inta joogtaana waa qayro balaadhan oo wiil iyo gabadhba leh. Reer adduunyo waase reer aakhiro {Allow dhawr oo isha iyo intii muruxsan gaashaan dheeg wiyileed ah uga dhig} Aammiin.
Taasina waa tacabkii uu dhigtay. Waa ducadii hooyadii oo aan habeenna u soo dhixin. Nin waliba wixii uu waalidkii dhigtay ayuun baa u yaala, intase garanaysaa way inagu yar tahay. Taana illaahay hayna garansiiyo {Aammiin}.Haddaan idinku dheereeyey iga raali ahaada.
Intaa kadib Sh.Axmed Cali-weerar waxay hooyadii u samaysay suugaan layaableh oo isugu jirta ammaan, dhiirigelin iyo duco oo aan ahayn male-awaal oo si dhab ah laabteeda uga soo go’day. Waxa ka mid ahaa buraanburkan. Macnaha meerisyadiisa marka aad dhuuxdana haddii taqaanay sheekh Axmed Cali-weerar waxa hubaal ah inaad garwaaqsan doonto. Maxaa yeelay isaga oo doob ah oo aan xillo yeelanin ayay buraanburkan u tirisay.
Waxaanay ugu sii ducaysay Innamo badan, Cimri dheer, haybad iyo guul uu ku noolaado.Inkasta oo suugaantaasi ay luntay oo dadkii hayey ay madheen, haddana meerisyada hal-qabsiga noqday ee weli la xasuusan yahay waxa ka mid ah:
Waa mid weynaadayoo wiilal aada dhalay
Waa mid sodoh ii noqdoo eebe igu sandahay
Waa mid inan ii noqdoo aqalka ii dhexyaal
Waa mid cawrala-darbaneey laygu dandayey
Waa mid ninkii ii xun iyo nacaba iga xasladay
Waa mid guulaystayoo eebe igu galaday
Waa mid weynaadayoo waayo badana jiray
Sheekh Axmed Cali-weerar hooyadii Diidan X.Aadan qaybtii dambe ee nolosheeda waxa isugu darsamay taws iyo gabow dabadeedna xaal adduun baa iskaga darsamay kolkaasay dhul yaal noqotay. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Dabadeedna sidii dhaqanka u ahayd ee naxariista badnayd ee waalid adeeca ahayd ee uu hooyadii ugu samo-fali jiray ayuu markaana kama xaragoonine u xanaannayn jiray.
Cid kalena kumuu aamini jirin kol ay xaaskiisa ku tahay isaga uun baa ku werweri jiray daryeelka hooyadii.. Allow kuu naxariiso {Aammiin}.
SH.AXMED IYO AABIHII CALI-WEERAR MAXAMED SHARMA’ARKE
Illaahay haw naxariistee Cali-weerar waxa uu ahaa deeqsi faxal ah, waa sida naanaystiisa ka muuqata’e waxa uu ahaa geesi gaashaan qaad ah oo aan wadnihiisu galowda aqoon,karti iyo quruxna inta ragga lagu majeerto ayuu ku caan ahaa.
Xilliga Cali-weerar noolaa waxa uu ahaa xilli shiddo iyo dhibaato badan leh oo kol walba wadnaha farta lagu wada hayo. May hawl yarayn ninku inuu gabadh qurux leh guursado oo qoys magac leh ka soo jeeda.
Wuxuu ahaa xilli adag oo ay raganimadu ku astaamaysan tahay awoodda muruqiisa iyo ridada warankiisa nin waliba wixii uu ku goosan karo. Maxaayeelay dumarka ayaa laka dhacaayey , geela iyo fardahana waa la’kala qaadaayey, mararka qaarkoodna ceelka iyo carshinta ayaa laysku dilaayey oo la’kala qabsanaayey. Xilliga sidaa ahaa nin rageed kelyo adag leh ayuun baa ka soo bixi jiray oo waxa uu hiyiga geliyo soo taabi jiray.
Habeenkii gaafka ahaa ee arooskii Cali-weerar ayaa la’yidhi dhalinyaradii gabyi jirtay arooska yaanay soo gelin. Dabadeedna waa rag ilma’adeer ah oo caanaha wada dhami jiraye kolkii waagu baryey ayaa lays dacaayadeeyey, kaftan hoose oo aan turxaan lahayn ayaa laysku tuurtuuray. Dabadeedna dhalinyaradii xalay arooska loo diiday ayaa tidhi “Arooskii xalay waxa ka gabyey Xaashi Maxamed Sharma’arke oo yidhi waxaan ammaanayaa Cali-weerar iyo Diidan oo wuxuu yidhi :
Cali-weerar cadaa
Alla Diidan cadaa
Arooskeenu cadaa
Faraskiisu cadaa
Kaasina hadalkii Xaashi muu ahayn. Maxaayeelay Xaashi wuxuu ahaa nin geedka looga yeedho oo hadal yaqaan ah.
Xaashi Maxamed iyo Cali-weerarna walaalo ayey ahaayeen oo labadoodaba waxa dhalay Maxamed-fadhiid Sharma’arke Aadan. Xaashi ayaana ka weynaa
Cali-weerar, illaahay dhammaantoodba haw naxariistee {Aammiin}…….
La soco……
Waxa la yidhi wadaad caan ahaa oo la’odhan jiray Sayid Maxamuud Aw-Cali Qabax ayaa beeshii saldanada ahayd ee Isaaq xoolo u soo doontay , waa sida la’yidhiye Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax madal uu xoolo ka yaboohinaayo ayuu Cali-weerar isa soo taagay. Dabadeed Sayid Maxameuud Aw-Cali Qablax ayaa yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo ku yaboohay boqol qaalmood oo wada ina Mayliig ah”.
Dabadeedna Cali-weerar baa yidhi: “Sayid Maxamuudow qaalinta kowaad anigaa ku yaboohay” kolkaasuu Sheekhii intuu u duceeyey guddoon yidhi.
Mar labaad ayuu haddana Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta labaad ku yaboohay” Markaasaa la’hadli waayey dabadeedna Cali-weerar baa yidhi “Qalinta labaadna aniga”.
Mar saddexaad ayuu sidii oo kale Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta saddexaad ku yaboohay”. Markii saddexaadna Cali-weerar baa yidhi”Aniga ayaa ku yaboohay”. Waa yaab iyo dheygag, waa arrin aan maankooda dad badan u daadagaynin oo inta garashada yari ay u qaadan doonaan buunbuunin iyo naaxnaaxin aan run ahayn. Waase xaal gobeed oo uu waayeelka dad aqoonka ahi garwaaqsan karo.
Arrintu markay halkaa marayso ayuu Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax isaga oo Cali-weerar la’yaaban ku yidhi: “Inshaa allaahu tacaalaa ee dadka ducada haka wada qaadan” dabadeedna intuu dhabarka ka dhirbaaxay ayuu ku yidhi” inshaa Allaahu taacaalaa mid sidayda oo kale ah ayaan kuugu duuceeyey”. Waayeelkii arrintan ka sheekeeyeyna waxa uu yidhi Sh.Axmed Xilligaa ayuu calool galay, ducadii wadaadkana waa la aqbalay.
Dhammaantoodba way inaga hooseeyaan. Allahayow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal{Aammiin}.
Iga raali ahaaddaan idinku dheereeyey.