Hargeysa(Geeska)-Taageerayaasha xisbiga Waddani ayaa shalay isugu soo baxay xarunta xisbiga oo ku taala New Hargeysa, ka dib markii uu guddoomiyaha xisbigu ugu baaqay taageerayasha inay halkaas isugu yimaadaan.
Isu soo baxan ayaa waxa ay ciidamada Boolisku isku dayeen inay ka hortagaan, waxaana jidadka xarunta taga la dhigay dhagaxaan waaweyn iyo ciidamo Boolis ah oo tiro badan, balse guddoomiye Cirro oo taageerayaasha horkacaya ayaa xoog ku galay galay xarunta xisbiga Waddani. Hal askari ayaa waxa soo gaadhay dhaawac ka dhashay xabad ku dhacday oo uu taliyaha Boolisku ku eedeeyay inuu ku dhuftay mid ka mid ah ilaalada guddoomiye Cirro, sidoo kalena askari kale ayuu taliyuhu sheegay in dhagax lagu dhaawacay.
Ciidamada Booliska ayaa habeen hore xidhay xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo Oday Cabdi Ibraahim Cabdule.
Khudbadii Cirro
Guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro ayaa wuxuu xarunta kula hadlay taageerayaasha xisbiga Waddani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ka hadlayaa waa xaruntii xisbiga Waddani,nasiib daro saaka [shalay] waabarigii xarunta waxa qabsaday ciidan shaqaalihii ka shaqaynaayay,kuwii masaxaayay iyo kuwii xafiiska joogayba waa laga dareeriyay, imika si nabad ah ayaanu ku nimi xafiiska, waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland in xisbiga Waddani iyo xisbiyada kaleba uu dastuurku u fasaxay iyo shuruucda dalkaba inay isugu yimaadaan kulan, inay isugu yimaadana xafiisyadooda, inay shacabka la hadlaan inay taageerayaashooda la hadlaan.
Ciidamada booliska waxaan u soo jeedinayaa waxa waajibkoodu yahay inay muwaadiniinta nabad galyadooda
ilaaliyaan,muwaadniinta halkan timi ee ay rasaasta u ridayaan waxay ka mid yihiin muwaadiniinta waajibka dastuurku u yeelay inay nabadgalyadooda ilaaliyaan, waxaanu kala shaqayn doonaa nabada, xisbi ajande siyaasi ah leh oo dalkan nabadiisa iyo horumarkiisa ka shaqaynaaya ayaanu nahay markaas taageerayaashayada inaan gaadhsiino hadaafta xisbiga ayaanu xaq u leenahay inaan u warano ayaanu xaq u leenahay.
Waxaan u sheegayaa dhamaan maamulada gobalada dalka ee shanta ah ee hadhayna inay isugu yimaadana xafiisyadooda, inaan halkan nimaadno maalin walba xaq ayaanu u leenahay maantoo qudha maaha barina waanu imanaynaa, gobalada oo dhamina waa ay isku imanayaan oo xafiisyadooda ayay isugu imanayaan, Somaliland ha noolaato,digtaytarku ha dhaco, digtaytar yeeli mayno, sharciga in lagu tunto yeelo mayno, doorasho la’aan yeeli mayno, xoriyadaan u dagaalamaynaa oo u dhimanaynaa.
Taliyaha Booliska
Taliyaha ciidanka booliska sareeye guuto Maxamed Aadan Dabagale ayaa isna wuxuu eeddo u jeediyay guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Boolisku markii ay la hadleen oo ay yidhaahdeen waxaas ha samayn gacmahay is qabsadeen oo umadii oo dhan inta uu u yeedhay oo ay gacmaha is qabsadeen ayuu isagu mudaharaadkii bilaabay askartiibay jiidheen, askartii iyada oo dhawraysa oo la hadlaysa ayaa uu rasaas riday nin isaga la socda oo askari ah oo kuwii ciidamada qaranku ay u siiyeen in ay amaankiisa ilaaliyaan ah ee lagu sharfay ah, taliyahii qaybta bariga ee goobtaas joogayna toogtay markhaatiyaal ayay leedahay sidaas ayuu gudihii ku galay, iyada oo sharciga la dhawraayo askartii faraha badnayd ee meesha joogtay umay jawaabin ninkaas wax talaabo ah iyo rasaas toona umay jawaabin, waanu garanaynaa magaciisa waana la’la xisaabtami doonaa.
Cid kasta oo nabadgalyada danaysa iyo reer Somalilandba waxaanu u sheegaynaa waxii halkaas ka dhacay oo waxa jira askari kale oo dhaawac ah oo dhagax la’la dhacay oo kooxdaas la socotay ay la dhacday oo aan talaabo qaadin imikana dhakhtarka yaala, waxii nabadgalyo daro ku saabsan ee halkaas ka dhacay ee aanu ka dignay shalaytoole ee rasaastaas dhacday iyo askartaas wax lagu dhuftay ah ee buuqaas ah, waxa ka masuula guddoomiyaha xisbiga, isagaana ka jawaabi doona, waxa kale oo uu ku baaqay imika inuu saddex casho hawshaas sii wadi doono, waxaanu u sheegaynaa isaga iyo cida kale ee la socota ee hawshaas wadaba in aanay arinaasi dhacayn, sidii saaka ( shalay) oo kalena mar danbe aanay u dhacayn, anaguna aanan yeelayn, waayo nabadgalyada ayaanu masuul ka nahay umada nabadgalyada ku nool ee raaxaysanaysa ayaanu masuul ka nahay,cid kasta oo nabadgalyo daro halkaas ka samaysay waa ay noo qorantahay waana la daba socdaa cid kasta oo samaysana talaabo ayaa laga qaadi doonaa.
Xarunta Xuquuqal insaanka
Xarunta Xuquuqal insaanka ee madaxabanaan ayaa waxa ay cambaaraysay xadhiga siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiga Waddani “Habeenkii Isniintu soo galaysay ee 17 November 2019, waxa Booliiska Somaliland xidheen laba hogaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xidhay.
Maalinimadii Axadda waxa hogaanka xisbigu ku baaqay in taageerayaashiisu isugu nimaadaan xarunta guud si xog loogu sheego. Taliyaha Booliiska, Maxamed Aadan Saqandhi, ayaa ku tilmaamay baaqaas mid aan sharci ahayn isaga oo sheegay inaanay ogolaanayn isku soo baxaasi inuu dhaco. Xaruntu way canbaaraynaysaa talaabooyinka guracan ee laga qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiinta. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladda inay ixtiraamto dastuurka oo ay sii dayso siyaasiyiinta iyo suxufiga ay xidhay.” Ayay tidhi Xarunta HRC.
Gunaanad
Wixii ka dambeeyay barqadii xaaladda xaafadda New Hargeysa ayaa caadi ku soo noqotay, waxase maanta la eegayaa dibad baxyada uu ku baaqay guddoomiye Cabdiraxmaan-cirro.