Taageerayaal Tiro Badan Iyo Siyaasiyiin Magac Leh Oo ku Biiray Xisbiga Waddani

0
639

w

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxada siyaasada oo hore uga tirsnaan jiray Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin iyo sida oo kale guddoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedkii dhacay ee RAYS iyo taagerayaal kale oo aad u tira badan ayaa  ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Waxanaa ka mid ahaa Siyaasiyiintani Wasiirkii hore Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed,Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka Marwo Faadumo Suudi iyo Guddoomiye ku xigeenkii Urur siyaasadeedkii dhacay ee RAYS Saleebaan Barre Qolambi.

Munaasibad soo dhawayn ah oo Masuuliyiintan loogu sameeyey Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,madax sar sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani,Masuuliyiinta soo dhawaynta loo sameeyey,Madax dhaqameed,taageerayaal, iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Waxaana munaasibadan ugu horayn ka hadlay Xoghaye ku Xigeenka Xisbiga Waddani oo aad u soo dhaweeyey una mahadnaqay Masuuliyiintan iyo Taageerayaashan ku soo biiray Xisbiga Waddani waxaanu sheegay inay wax badan u tari doonan Xisbiga, waxa kale oo uu dhaliil iyo cambeerayn u soo jeediyey Xukuumadda Somaliland oo uu sheegay inay wado qorsho ay ku doonayso inay doorashada ku joojiso, isaga oo xusay inay Xukuumaddu abaabulayso dagaal gaar ahaan Taleex iyo Xiin-galool, si looga mashquulo Doorashada,waxaanu soo jeediyey in wax walba oo dhaca aan Doorashada wakhtigeeda la dhaafin. Xoghayaha Hidaha Iyo Dhaqanka Xisbiga Waddani oo isna halkaas ka hadlay ayaa si diiran u soo dhaweeyey ku biiristan Siyaasiyiintani inay ka mid noqdeen Xisbiga WADDANI,isaga oo sida oo kalena ku amaanay  go’aanka geesinimada leh ee ay  ku garteen cida qudha ee hagi karta hanaanka maamul ee dalka in uu yahay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Gudoomiye ku xigeenka  Urur Siyaasadeedkii dhacay ee RAYS Saleebaan Barre Qolambi oo ka mid ah masuuliyiinta soo dhawaynta loo sameeyey ayaa halkaasi kaga dhawaaqay in isaga iyo dhamaanta taageerayaashiisiiba ay ku biireen Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi ”Waxaan Maanta aan doonayaa in aan halkan aan ka sheego in dhamaanba intii aan hogaminaayey iyo intii kaleba in aan dhamaantayo ku soo biirnay Xisbiga Waddani,waa ay jirtay wakhti aanu ku tala galnay in aan ka mid noqono Kulmiye laakiin Kulmiye waxaa u saran yahay doon daloosha markaa biyihiina waa ay iska qaban kari la’a yihiin sidaasi darteed inta saarana waan u baqayaa oo ayaamaha  hadhay dartood intii aan garanaayo waxaa leeyahay iskaga soo baxa oo halkan kaalaya”.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Haweenka Xukuumaddii Daahir Rayaale Marwo Faadumo Suudi oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxaa tilmantay in ay si aada ugu faraxsantahay in ay ku soo biirtay Xisbiga Waddani oo ay tilmaantay in uu yahay Xisbiga qudha ee markii ay indha indheeyeen Axsaabta kale ay ku qanceen in uu yahay ka horumarin kara danaha shacbiga reer Somaliland, waxayna tidhi “Maanta waxaa farxad weyn noo ah anaga oo afar Sanadood oo ahayn dawladii hore Xisbigii taladda hayey ee UDUB aanu ka sokaynay intaana aanu wax indha indhaynaynay oo aanu markii hore islahayn bal horta axsaab hala yimaado,Axsaabka marka layimaadana tartanku ha adkaado waxana aanu maanta go’aan sanay oo aanu leenahay Xisbigan Waddani waa kii badbaadin lahaa wadanka sidaas ayaanan ugu biirnay”

Waxaa isna sida oo kale halkaasi hadal ka soo jeediyey Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuumaduu Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub,waxana uu ka halkaasi ka cadeeyey in isaga iyo taageerayaashiisiba ay ku soo biireen Xisbiga Waddani, waxaanu yidhi “Madashan aan soo galnay ama aanu  ku soo biirnay Xisbiga Waddani aniga iyo saaxiibadaydii golaha Wasiirada ee Xukuumada UDUB iyo taageerayaal aad u fara badan,waxaanan marka hore ka cudur daaranayaa taageerayaashayadii oo meel walba jooga oo Hargeysa jooga oo anan warka wada gaadhsiin,oo canaantu ay badan doonto oo la odhan doono oo aan hubo in la odhan doono  maxaad wax noogu soo sheegi wayday,waxaan leeyahay  waan idin salaamayaa,inta halkan fadhidaa maaha kaliya  taageerayaashii ama dadkii aanu isku wacnayn ee aanu is baranay ee aanu wada shaqayn jirnay ee gabal walba waa ay joogaan,waxaana uu gudoomiyahu uu iga balan qaaday gobal walba in aanu tagno oo xaflad la samayno taageeyaashayadii waxii hadhay”

Siyaasi Siciid Sulub oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu daaha ka fayday in u jeedada uu Xisbiga ugu soo biiray aanay ahayn in uu ugu soo biiray in ay hayso caadifadnimo reer balse waxaa uu tibaaxay in hadii ay caadifad nimo reer ay hayso uu hore ugu biiri laha markii uu ahaa ururka.sida oo kalena waxaa uu tibaaxay in ka dib qiimayn uu ka sameeyey Axsaabta Qaranka uu WADDANI noqday midka kaliya ee kor u qaadi kara himilada shacbiga reer  Somaliland si loo helo aqoonsi buuxa oo aynu beesha caalamka inteeda kale kaga mid noqono dal jira oo la ictiraaf san yahay.

“Soo biirista maanta ama imaatinka maanta ee Xisbigan hadii dadka la eego dadka si kale ayaa loo eegaayee Siciid Sulub Maxamed baa lay yidhaahdayee laakiin hadana sawir kale ayaa la saaraa anagu qolo nimo ugu maanan soo biirin Xisbigan,Caadifadina nama keenin hadii qolnimo  aanu ugu biirayno ama caadifad aanu ugu biirayno markii uu ciir ciiraayey ee uu ururka ahaa ayaanu ku biiri lahayn,Xisbigan waxaanu ugu soo biirnayn Axmed Cali dhawr urur ayaa uu sheegay horta aniga Xisbigii ugu horeeyey ee ilaahay naxariistiisii janatul fardawsa ha siiyee ina xaaji Ibraahim Cigaal ku dhawaaqay ee UDUB ururna iigama horayn ururna iigama danbayn,markii imika lays dhex yaacay ee boqolka urur lasamaystayna waa ka fadhiistoo waad ogaydeen intaas waxaan is lahaa caadifad qolonimo ahi yaanay ku qaadin mid danaysina yaanay ku qaadin bal waxaad eegtaa hada hogaanka dalkan ama madaxnimada dadkan tolow yaa gaadhsiin kara halka ay doonayaan,markaa markii aanu eegnay saddexdii Xisbiga ee soo baxay ee 2001-dii iyo 2002-dii soo baxay UDUB ayaa ka hormuud ahayd UDUB hadii ay ka hormuud ahaydna doorashadii danbe may soo galin UDUB khilaaf bay ku hadhay waxaa kaalinteedii Soo galay WADDANI halkaa iyada ah doorashada koowaad ee aan anigu naftayda aan siiyey waxaa ay ahayd dee UCID iyo Kulmiye waanu isniqiinay,intaana cida aan daraasada ku samaynaayey Waddani ayaa ay ahayd,Waddani hogaamin ahaan intaba marka aanu qiyaasnay aniga iyo Asxaabtaydu,waxaanu isnidhi Xisbigii lagaga baxaayey gunimada ee Citiraafka keenayey waa Xisbiga Waddani”Ayuu yidhi Siciid Sulub

Gab-gabadii oo munaasibadaasi soo afmeeray Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdilaah Cirro) ayaa waxaa uu yidhi.“Soo dhaweyn: anniga oo ku hadlaya magaca dhamaan madaxda , hawlwadeenada, taageerayaasha Waddani waxaan ku soo dhaweynayaa  Saleebaan Barkhad Qaloombi,  Marwo Faadumo Suudi, Md Siciid Sulub iyo Md Axmed Cali Shire,  taageerayaashooda  inay ku soo biiraan Xisbiga Waddani. Waxaan shaki ku jirin inaad awood badan iyo taloba  ku soo kordhin doontaan xisibiga”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Xisbiga mucaarida ah ee Waddani wuxuu iridahaa iyo daaqadahaba u furay shacbiga Somaliland si loo helo cudud xoog leh oo dhalin karta is bedel taban”