Hargeysa (Geeska)-Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah Salaadiinta dalka ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay amaana u soo jeediyey Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo uu sheegay inuu ugu mahadnaqayo qoys dan yar ah oo uu caawiyey, kadib markii Gurigoodii ka gubtay.
Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Inan madhibaan ah oo ku jira meel ka shishaysa xerada Birjeex, oo ku jiray aqal bas ah, dabadeed inankii oo shaqo tagay ayuu Gurigii gubtay, gurigii gubtay shay kama baxsan, caruurtii yaryarayd iyo gabadhii ayaa ka baxsaday, Gurigii oo gubtay, markaas Xildhibaan Nacnac iyo Xildhibaano kale ayaa arkay caruurtii yar yarayd oo bacadka fadhida, waa ayo ayey yidhaahdeen caruurtan yar yari, waxa lagu yidhi waa Gabooye, wax walba wey u qabteen, qol bay u dhiseen, agabkii guriga oo dhan baa loo soo dhigay, Xildhibaan Nacnacna waa Xildhibaanka Xildhibaanada Somaliland ee daacada ah, dulmiga ka xanaaqa, Beesha Gabooyena wax buu u qabtaa, Xildhibaanku agabkii oo dhan buu u iibiyey, furshaantii buu u iibiyey, lacag laba boqol oo dollarna uu u geeyey, aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa xildhibaan Nacnac.”