Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Nolosha Shacabka

0
1254

Hargeysa (Geeska)- Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay xaalada nololeed ee shacabka Somaliland.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya qiimaha sarifka lacagta doolar iyo lacagta Somaliland ayaa yidhi “Qiimihii Sarifku hoos ayuu u yara dhacay, waana daruuri inuu intaas hoos uga sii dhaco, laakiin guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan kula talinayaa inay Lacagtooda isticmaalan, oo ay wax ku kala iibsadaan, waxaana xaqiiqo ah oo marag ma doon ah haddii aynu lacagteena si xooga u isticmaalno inay lacagteenu tayo yeelanayso, waana in lacagteena lagu isticmaala goob kasta, ha noqoto goobaha waxbarashada, goobaha ganacsiga,kirada guriyaha iyo meel kastaba, sababtoo ah haddii lacagteena aynu dhayalsano tayo yeelan mayso, oo lacagaha qalaad ee kale ayaa ka tayo wanaagsanaya, laakiin haddii aynu lacagteena aynu si xoogan u isticmaalno tayada lacagteena ayaa dib u soo noqonaysa, qiimaha sarifkuna hoos ayuu u dhacayaa, ta kale waa inay Ganacsataduna dadkooda hoos u eegaan, oo qiimo jaban oo macquul ah ay wax kaga iibiyaan, oo maceeshada u jabiyaan”.

Suldaan Xasan mar uu ka hadlaayey biyo yaraanta deegaanada qaar ka jirta ayaa yidhi “ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu biyo yaraanta iyo abaaraha inaga dulqaado, waxaynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu barwaaqo iyo nimco inoogu bedelo, ILLAAHAY waxaynu ka baryeynaa inuu raxmaadkiisa oo khayr qaba uu inoo shubo, ee inaguna waxaa la inooga baahan yahay inaynu is caawino, inaynu isku gurmano, inaynu wax tarno dadka ay abaaraha iyo haraadku hayaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here