Suldaan Maxamed Oo Soo Jeediyay In Doorashada Madaxtooyadu Wakhtigeeda Ku Qabsoonto

0
539

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaanu Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay inay ilaaliyaan Shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaala.

1

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay isagoo Diridhaba jooga ayaa sidoo kale ku baaqay in Doorashada Madaxtooyada wakhtigeeda lagu qabto, waxaanu yidhi "Xisbiyada waxaan kula talinayaa in shuruucda iyo sharciga dalka u yaala ilaaliyaan oo aanay baalmarina,Siyaasiyiintana waxaan leeyahay ilaaliya Dastuurka oo tarankiinu ha ahaado mid caadifadi aanay ku jirin,oo xeerka uu Komishanku soo saaray sidiisa ugu dhaqma".

Suldaan Maxamed mar uu ka hadlaayey Doorashada Madaxtooyada ayaa yidhi "Madaama Doorashadii Wakiiladu dib u dhacday,waxaan Komishanka Doorashooyinka kula talinayaa aadna ugu dhiirigelinayaa inay xil dheeraad ah iska saaran qabsoomida Doorashada Madaxtooyada, si aanay dib u dhac ugu iman,Bulshadana waxaan farayaa oo aan leeyahay ninka aad u aragtaan inuu Qaranka hogaamin karo doorta".