Suldaan Barre Oo Ansixiyay Shir Ay Dhallinyaro Ku Baaqday

0
563

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka Guud ee Beelaha Haashin Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale iyo Guddida Beelaha Haashin ayaa si wada jira u soo dhaweeyay baaq ku saabsan sidii beelaha haashin u qabsan lahaayeen shir ay ayaahooda kaga tashanayaan baaqaas oo ay hore u soo jeediyeen dhalinyaradda beelaha haashin iyagoo suldaanka iyo gudidaba ka codsaday sidii beeshu u qabsan lahayd shirwayne ay kaga tashanayso aayaheeda sida

1

1.Dinwaangalinta

2.Doorashooyinka

3 Arrimaha Siyaasadda

Suldaan Barre Xaaji Xuseen ayaa sheegay inuu aqbalay baaqaas codsiga ah ee maalintii khamiistii ka soo yeedhay dhalinyaradda, waxaanu Suldaan Barre sheegay in isaga iyo guddida beeshuba  oo isaga hoostimaadaa ay aad iyo aad u soo dhawaynayaan baaqaas isagoo ku dhawaaqay in beelaha haashina ay qabsan doonaan shir ay ayaahoda kaga tashanayaan, waxaanu xusay inaanu shirkaasi ahayn mid cid gaar ah lagu durayo balse uu yahay shir danta guud ku saabsan.

Ugu dambayn wuxuu sheegay Suldaan Barre inuu wakhti aan dheerayn ka dib soo sheegi doono madasha uu shirku ku qabsoomayo iyo wakhtiga uu qabsoomayo iyo weliba mudada uu soconayo.