Boqortooyadda Sucuudiga ayaa heshiis isfaham la gashay dowladda Soomaaliya, taas oo ay ku qaadanayso tobon kun oo gabdho Soomaaliyeed oo adeegtooyin ka noqonaya guryaha wadankaasi
Wargayska Iqtisaadi ee ka soo baxa Sucuudiga ayaa cadadkiisii shalay ku soo daabacay in ilo dimlamaasiyeed oo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen wargayska in la dhamaystiray heshiiska shaqaalaysiinta, islamarkaana uu dalka sucuudigu uu dhawaan tagi doono Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Soomaaliya Ibraahim Sheekh Muudeey, iyadoo qaybta ugu dambaysa ee heshiiska oo ah shuruudaha iyo xuquuqaha shaqaalahaasi lagu dhamaystiri doona marka uu tago wasiirku dalka sucuudiga.
Wargayska oo soo xiganaya dimplamaasiyiin magacyadoodaa qariyay, ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee dalka sucuudiga ayaa door muhiim ah ka qaadanaysa heshiiska shaqaalaysiinta gabadhaha Soomaaliyeed, iyadoo dalabyo ama codsiyo ka heshay shirkaddaha dadka shaqaalaysiiya ee Dalka Sucuudiga.
Shirkadaha sucuudiga ee shaqaalaha dibada ka keena ayaa la sheegaya inay ku adkaatay in gabdho guryaha ka shaqeeya ay ka keenaan wadamada Siralanka, Philipine iyo Ugandha, iyadoo shaqaalaha wadamadaasi ay dalabadeen in kabadan 1500 Dollar iyo xuquuqo kale, waxayna doorbidayaan inay helaan shaqaale jaban, oo xuquuqo badan aan dalbanayn.