Sucuudiga: Godad Laga Helay Qolfoofka Qoomkii Reer Caad Ee Uu Qur’aanku Ka Sheekeeyey

0
1041

Picture1Riyaad (Geeska)- Qoomkii Caad waxa ay ahaayeen qoom muddo dheer ka hor dunidan ku dhaqnaa, oo uu Alle u soo diray nebigii la odhan jiray Huud (CS), waxa aanu Qur’aanka Kariimka ahi kaga waramay meelo badan oo uu inoogu sheegayo sida ay u beeniyeen rasuulkii loo diray oo tolkood ahaa. Haddaba dhowaan ayaa lama degaanka loo yaqaanno Rubcul-Khaali ee dalka Sucuudiga oo ay ka socdeen hawlo baadhitaan oo la xidhiidha gaasta dabiiciga ah, godadkii ay khubaradu qodday waxa ay qaarkood ugu tageen hadhaadiga qolfoof dad oo leh dhumuc iyo dherer aan caadi ahayn.

Khubarada baadhitaanka gaasta dabiiciga ah ee shirkadda ARAMCO oo ay shuraako ku yihiin Sucuudiga iyo Maraykanka ayaa godadkan ay qodayeen ugu tegey qolfoofkan oo marka isha lagu dhuftaba la garan karo in ruuxa qolfoofkaas iyo lafahaasi ka hadheen uu si aan caadi ahayn uga dheeraa ugana dhumuc weynaa bani’aadamka caadiga ah ee aynu hadda naqaanno.

Sida uu Qur’aanku caddeeyey Qoomka Caad waxa ay ahaayeen dad aad u dhaadheer, una dhumuc weyn oo Alle siiyey awood mucjiso ah, laakiin waa ay ku gaaloobeen Alle mana ay ku shukriyin nimco badan oo la siiyey iyo xaqa. Waxa ay si aad u adag uga horyimaaddeen Nebi Huud, oo ay badheedh ugu sheegeen in ay beeninayaan Allaha uu u sheegay in uu soo diray, intaas kuma ay joogsan ee waxa ay ku dagmeen awoodda iyo xoogga Alle siiyey waxa aanay ku murmeen in aanay jirin cid iyaga ka awood badan oo jirtaa. Qoomkan oo sida diinta Islaamka ku cad ka gudbay teedadkii iyo xuduudkii Alle u dhigay oo dhan ayaa aakhirkii ay u timid ciqaabtii Alle ku rogay oo ahayd sida Qur’aanka ku xusan danab iyo duufaan.

Haddaba markii qolfoofkan oo qaar ka mid ahi ka muuqdaan sawirrada qormadan ku lammaan, loo keenay culimada dalka Sucuudiga ayaa waxaa durbadiiba soo baxay aaminsanaanta ah in ay yihiin hadhaadiga Qoomkii Caad, waxa aanay dowladda Sucuudigu goobahan dhaqso u geysay ciidamo xooggan oo ilaaliya, iyada oo sheegtay in aan loo ogolayn cid ka baxsan shaqaalaha sahaminta gaasta waday. Cabbir lagu sameeyey qolfoofkan ayaa sida sawirkaba ka muuqata muujinaya in dhererka qofka caadiga ahi uu jilibka ugu beegmayo dhererka qolfoofkan.

Sida taariikhda Islaamka ku xusan Qoomka Caad waxa ay deggenaayeen koonfurta Gasiiradda Carabta, gaar ahaan deegaanka hadda loo yaqaanno Xadramuut oo ah gobol ku yaalla koonfurta dalka Yemen. Waxaana hore u jirtay in deegaanno ka mid ah Sucuudiga iyo Yemen laga helay hadhaadiga dhismayaal la aaminsan yahay in ay yihiin magaalooyinkii ay deggenaayeen qoomka Caad iyo sidoo kale qoomkii loo yaqaannay reer Thamuud oo loo diray Nebi Saalax (CS), waxaana Qur’aanka Kariimka ah ku cad in guryahaasi ay yihiin cibro ay tahay in wax ku waantoobaan gaaladii Makka joogtay iyo imika oo ay muslimiinta oo dhan duruus u tahay.