“Somaliland Waxay  Qaadatay In Ay Somaliya Heshiis Wax Ku Dhameystaan Beesha Caalamkuna Markhaati Ka Noqoto”

0
577

London(Geeska)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, wuxuu habeen hore magaalada London kulan kula yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee degen magaaladaas.

1

Wasiir Sacad iyo jaaliyadu waxa ay kulankaas kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa siyaasadda dibadda ee Somaliland, waxaana la isku weydaarsaday aragtiyo lagu dhaqaajin karo siyaasadda khaarajiga Somaliland.

Wasiir Sacad, waxa kulankaas lagu weydiiyay su’aalo ay ka mid ahayd faa’iidada Somaliland ugu jirta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ku jawaabay ” Sideedaba  cid marka ay wax idinka dhexeeyaan waa laba mid uun, in aad dagaalantaan oo xoog iyo cudud melateri aad ku kala adkaataan iyo, iyo in aad heshiisaan oo fadhi iyo farsamo wax ku dhameysataan  markaa Somaliland waxay  qaadatay in ay Somaliya heshiis wax ku dhameystaan aduunkuna uu markhaati ka noqdo waanu soo dhaweeyey oo dhex buu ka noqonayaa Caalamku iyo hayadihiisuba.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata kana sii jawaabaya su’aashan wuxuu yidhi ” Shirkaasi waa kulan aynu simanahay Somaliya oo nahay laba dawladood oo siman oo danahooda

ka tashanaaya.  waana gogol dhig wanaagsan oo dib inoogu celinaaya in aynu ku kala baxno sifihii aynu lixdankii  ku midowney taas oo Caalamkuna mar khaati uu inoo yahay oo inagu kaalmeynaayo.”

Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka hadlay oo uu tilmaamay inay Somaliland buuxisay shuruudaha aqoonsiga, isagoo ka hadlay faa’iidooyinka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ugu jira aqoonsi ay beesha caalamka ka hesho.