Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, kaas oo ku saabsanaa in gogasha wada-hadal ee ay xukuumadu u fidisay xisbiyada mucaaridka aan lagaga hadli doonin go’aankii muddo kordhinta ee ay dhawaan soo saareen golaha Guurtida Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay in ay ayaan darro tahay in madaxweyne ku xigeenku isaga oo gogal wada-hadal fidiyey hadana uu hadal kale ka daba keeno, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in uu aad uga baqaayo in xukuumada Siilaanyo ay waayi doonto muddo kordhinta loo sameeyey, isla mar ahaantaana la qaadan doono go’aankii Komishanka Doorashooyinka.
Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa hadalkan ka sheegay dood uu kaga qayb galay Idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in haddii ay xukuumada Siilaanyo qaadan waydo waxii gar loogu leeyahay ay marka la gaadho soo dhisi doonaan dawlad ku meel gaadh ah oo dalka gaadhsiisa doorashooyinka qabsooma wakhtiga ay muddeeyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
"Markii hore Somaliland waligeedba waxaa ay ku soo dhaqmi jirtay wada-hadal iyo tanaasul, arrintii uu madaxweyne ku xigeenku sheegayna waxaa ay ahayd go'aan dawladeed ee kaligii kumuu ahayn, kalmada danbe ee uu ka soo daba tuurayna aad ayaan uga xumahay in tii yoo uu gogal fidiyey hadana uu yidhaahdo go'aankii Guurtida laga noqon maayo, taas in uu ku deg degay ay ila tahay, laakiin waxaan filaynaa mar haddii aanu is aragno haddii aanu reer Somaliland nahay, waxaa caado noo ah in aanu had iyo goor waxii danta umaddu ay tahay aanu horeysiino, waxaana aanu Illaahay ka baryeynaa in dawlada, Guurtida iyo Wakiiladuba waa ay wada qaldan yihiine in Illahay iimaankiisii u soo celiyo oo danta iyo umadda ka nixi doonaan, taas haddii ay samayn waayaana waxaa annaga noo samaysan dariiqyo kale.”.Ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaa la yidhi wax badso wax waa ayey keentaa, waxaan u malaynayaa xukuumadu in ay sanadka Komishankana ay waayi doonaan, oo marka haddii ay gar qaadan waayaan oo ay ixtiraami waayaan sharciga iyo kala danbeynta wadanka, waxaan annagu u aragnaa Labadan guri ee Baarlamaanka in Guurtidan uu sheegayo wakhtigeedii dhacay, dadkii la soo doortayna maaha 24 sanno ayey joogaan, xukuumadana waxaa wakhtigu ka dhamaanayaa waa 26ka Juun, markaana ay wakhtigaa kaga dhamaantana waxaa laga tashanayaa dawladii dalka mudadaas gaadhsiin lahayd doorasho ah mudada ay Komishanku qabteen, saddexdaba waanu ka takhalusaynaa oo sadexdooduba waa ay israacayaan.".