Somaliland Oo Xidhay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

0
558

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xukumadda Somaliland ayaa xabsiga dhigtay Guuleed Axmed Jaamac, oo ah Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka Somaliland oo fadhigeedu yahay Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xadhiga Masuulkan, hase ahaatee warsaxaafadeed ay xarunta xuquuqal insaanku soo saartay oo uu ku saxeexanyahay Axmed Xuseen Cabdi, ayaa lagu sheegay inaan xadhiga Guuleed loo marin sifo sharciga waafaqsan. Xaruntu waxay warkeeda ku tidhi “Waxaa (18.04.2015–shalay) abaaro 09:00 subaxnimo lagu xidhay maxkamada gobolka  Hargeisa Guleid Ahmed Jama oo ah Gudoomiyiha Xarunta Xuquuqal Insaanka isagoo hawl maalmeedkiisa shaqo ee caadiga ahaa ku guda jira. Waxaa amarka qabashada bixiyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeisa.  Amarkaas qabashadu muu ahayn mid sababaynsan. Waxaa la qabtay iyadoo aan waaran qabasho oo maxkamadi soo saartay aanu jirin.

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolku waxa uu si cad ugu xad gudbay qodobka 25aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland kaas oo dhigaya inaan qofna la xidhi karin iyadoo aan loo hayn Waaran Qabasho oo Sababaysan.

Xarunta  xuquuqal Insaanku waxay si adag u cambaaraynaysaa xadhigaa sharci darada ah ee lagula kacay Gudoomiyaha Xarunta. Waxaanay ugu baaqaysaa Xaruntu Gudoomiya maxkamada Gobolka inuu si deg-deg ah xoriyadiisa ugu soo celiyo Guleid Ahmed Jama.”

Geesta kale idaacadaha caalamiga ah ee BBC iyo VOA ayaa shalay baahiyay in Guuleed loo haysto waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee BBC oo ku saabsanaa dadkii dhowaan xukunka dilka lagu fuliyay.