Somaliland Oo Qaramada Midoobay Ka Codsatay Inay Door Ka Ciyaarto Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaliya

0
479

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ka codsatay inay door muhiim ah ka ciyaarto wada hadal macquul ah oo dhex mara Somaliland iyo Somaliya.

Warsaxaafadeed ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ka soo saartay kulan wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis la yeeshay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Raisedon Zenenga, ayaa waxa lagu sheegay in Wasiir Biixi uu ergaygan ka codsaday in Qaramada Midoobay ay door muuqda ka ciyaarto fududaynta wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Hase yeeshee warsaxaafadeedka laguma sheegin jawaabta uu ergayga Qaramada Midoobay ka bixiyay dalabka wasiirka arrimaha dibadda Somalialnd. Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo door ah oo isugu jira siyaasadda iyo horumarka. Geesta kale ergay-xigeenkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale isla shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sidoo kale ka wada hadleen qodobo khuseeya siyaasadda iyo horumarka dhaqaalaha, waxaana war laga soo saaray madaxtooyada lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo door ah oo ay ka mid tahay khilaafkii doorashooyinka ka dhashay ee la xaliyay.