Somaliland Oo Ogolaatay In Lix Hariimacad Lagu Wareejiyo Djibouti Iyo Sababta Keentay

0
495

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska ee magaalada Lawyacado ee gobalka Selel ee xuduudka Somaliland iyo Djibouti, ayaa toddobaadkan qabtay lix harimacad dhal ah oo lagu waday wadanka Djibouti, kuwaas oo laga qaaday magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal.

Ciidamada Booliska, ayaa markii ay qabteen ugaadhaas laga saarayay Somaliland, waxa dadkii waday ay la soo baxeen waraaq ay qortay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, taas oo ay ku cadaysay inay ogolaatay in lixdaas harimacad lagu daryeelo xarunta lagu xanaaneeyo ugaadha ee Djibouti, ka dib markii ay la tashatay madaxweyne-xigeenka

Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, iyadoo warqada ku tilmaantay inaanay xilligan Somaliland ka jirin meel duurjoogta lagu daryeelo. Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa hore awaamiir ad-adag uga soo saartay dhoofinta Ugaadha duurjoogta ah ee Somaliland, waxaanay amartay xukuumadu in la horistaago ugaadh kasta oo duur joog ah oo laga dhoofinayo wadanka Somaliland, waxaanay xukuumadu ciidamada Booliska ka dalbatay inay ka qayb qaataan fulinta amarkan lagu mamnuucayo duur joogta.