Somaliland Oo Liisankii Kala Noqotay Telefishanka Universal

0
580

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay inay Somaliland xayiraad saartay telefishanka Universal oo ay xaruntiisu tahay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Wasiir Cukuse, oo ka hadlaya Telefishanka Universal, wuxuu sheegay inuu baahiyay dacaayad raqiis ah, kaas oo lagu soo qaatay Barnaamijka faaliyaha qaranka oo ka baxay telefishankaasi kaas oo waraysi madadaalo ah la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo. Wuxuu wasiirku sheegay in arrimahaasi yihiin dacaayad iyo bahdil uu Telefishanku ku sameeyay Qaranimada Somaliland. Wasiir Cukuse, wuxuu intaas ku daray inay dacwad maxkamadda uga furi doonaan telefiishankaas.

Maxamed caabi digaale agaasimaha universal tv ee somaliland ayaa BBC u sheegay in xukuumada somaliland ka cadhootay barnaamijkaas lagu magacaabo Faaliyaha Qaranka oo ah barnaamij majaajilo siyaasadeed oo inta badan lagu soo qaato siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaalida.

Wuxuu Caabi sheegay inuu u arko shaqada laga joojiyay Universal tv go'aan lagu degdegay , xorriyadda saxaafadana meel kaga dhacaya .