Somaliland Oo Amar Cusub Kusoo Rogtay Oo Lagu Xakameynayo Duulimaadya Diyaaradaha Dul Mara Hawadeeda

0
21

Hargeysa(Geeska)Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha ee Somaliland (MOCAAD) ayaa maanta ku dhawaaqday amar cusub oo waajibinaya in dhammaan diyaaradaha rayidka ah – kuwa jadwalka leh, kuwa aan jadwalka lahayn, iyo kuwa ganacsiguba ay soo dalbadaan ogolaansho (Overflight Permit) ka hor inta aanay soo gelin, ka gudbin, ama ku duulin hawada Somaliland.

Amarkan cusub oo dhaqan gelaya 10-ka Nofeembar 2025, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay wasaaraddu soo saartay maanta, amarkan ayaa lagu sheegay in uu ka turjumayo in Somaliland ay madax-bannaani buuxda u leedahay maamulka  dhulkeeda, hawadeeda iyo baddaheeda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tallaabadan lagu xoojinayo ammaanka iyo maamulka duulimaadyada, lana doonayo in la hubiyo in hawada Somaliland lagu maamulo si waafaqsan xeerarka iyo habraacyada ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in amarkani uu leeyahay ujeeddooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in la hubiyo badqabka duulimaadyada, in la hirgaliyo nidaam ammaan ah, in la xoojiyo maamulka iyo saadaasha hawada, iyo adeegyada macluumaadka duulista, iyo in la hormariyo adeegyada badbaadinta degdegga ah (Search and Rescue) iyo taageerada degista diyaaradaha ee garoomada Hargeysa (HGA) iyo Berbera (BBO).

Wasaaraddu waxay si cad u sheegtay in duulimaad kasta oo aan helin oggolaansho uu noqonayo sharci jabin iyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Somaliland, isla markaana ay ka dhalan karaan tallaabooyin sharciyeed oo adag, inkasta oo aan la sheegin sida loo fulinayo tallaabooyinka iyo waxay yihiin.

“MOCAAD waxay ku celinaysa in ay ka go’an tahay ilaalinta ammaanka, hufnaanta, iyo wada-shaqaynta duulimaadyada caalamiga ah, iyadoo uga mahadcelinaysa shirkadaha duulimaadyada iyo dalalka saaxiibka ah iskaashiga ay muujiyeen.”