Hargeysa (Geeska) – Hoos u dhaca ayaa ku yimid Dhaqaalaha guud ahaan Somaliland, taasina waxay saamaysay Miisaaniyad-sannadeedka Qaranka ee sannadka soo socda.
Miisaaniyad-sanadeedka ayaa hoos u dhacday waxaan ka badnayn 10%, uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar San-weyne oo Warbaahinta la hadlay Shalay, ka dib kulan ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar San-weyne oo kulanka ay yeesheen ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa faahfaahiyey ujeeddada kulankooda iyo saamaynta uu Xanuunka Covid_19 ku yeeshay dhaqaalaha Somaliland.
Xildhibaan Cumar San-weyne oo hadalka ku horreeyay isagoo Saxaafadda u gudbinaya Xogta uu Wasiirka Maaliyaddu la wadaagay Guddigooda wuxuu yidhi “Wasiirku wuxuu noo sheegay in Miisaaniyaddu sannadkan hoos u yar dhacayso 10% waxaan ka badnayn, taana ay keentay dhowr sababood oo ka baxsan innaga quwaddeena iyo itaalkeena, kuwaasi oo uu ka mid yahay Cudurka imika jira ee la yidhaahdo Coronavirus.”
Sidaasi oo kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xeerka Maamul-wanaagga Maaliyadda ayaa na faraya in sannad walba marka aanu samaynayno Miisaaniyadda inaanu xogta la qaybsano Baarlamaanka, khaasatan Guddiga dhaqaalaha, markaa Shirkayagu arrinkaas ayuu daaranaa Maanta (Shalay).”
Wasiir Sacad waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu uga warramay Xaaladda dhaqaale ee Maanta jirta, sida aanu aragno Odoroska iyo sida Xaaladdu noqon doonto saddexda Sanadood ee soo socda, 2021,2022, 2023, arrinkaa si wanaagsan baanu ugu sharraxnay oo isaguna afgaranay. Imika dhibaatada ugu weyn ee ina haysataa waa Xanuunka Coronavirus, waxaanu rejaynaynaa in arrinkaana Ilaahay inoo fududeeyo oo Xaaladdu si Caadi ah ku soo noqoto, dhowr sano ayay inagu qaadanaysaa in Xaaladdu Caadigeedii ku soo noqoto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xanuunkii markii uu yimid ayay Dawladdu qaadday Tallaabooyin badan si loo yareeyo (dhibkiisa), Tallaabooyinkaasina waxay saamayn ku yeesheen dhaqaalaha, waxa ka mid ahaa inaynu diyaaradihii iska joojinay iyo Dadkii inoo iman jiray, waxa jirtay inaynu Iskuulladii xidhnay, Goobihii la isugu iman jiray, huteelladii inay saamayn ku yeelatay, markaa dhaqaale xumo ayaa timid, dhaqaale xumo markii ay timidna waxa yimid hoos u dhac ku yimid dakhligii Dawladda, Waayo? Dakhliga Dawladdu wuxuu ka yimaaddaa dhaqaalaha (Dalka), waxaanu rejaynaynaa in sannadka soo socda ay wax iska beddelaan arrinkaas oo aynu dib ugu noqono heerkii uu dhaqaaluhu korayey.”