“Somaliland Meel Adag Ayey Maraysa, Meel Xasaasiya Ayey Maraysa, Badbaado Qudha Ayey Ku Badbaadi Kartaa Oo Ah Inay Doorasho Xor Iyo Xalaal Ahi Dhacdo”

0
502

cirrrroHargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay u baahan tahay badbado, oo haddii ay dalka ka dhici weydo Doorasho xor iyo xalaali  inay dhibaatooyin dhici doonaan.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay xubintii uu u doortay Guddida Komishanka Doorashoyinka, oo ah Dr Maxamed Cismaan Fadal oo uu Madaxweynuhu markii labaad  soo celiyey, waxaanu sheegay inay sharci daro tahay la soo celiyo Xubintaas, waxaanu xusay inay guud ahaan buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa, ee  si aan sharciga waafaqsanayn loo soo celiyey, waxaanu Guddoomiyaha XIsbiga Waddani mar uu shalay Shir Jaraa’iid uu ku qabtay Xarunta Xisbiga Waddani  uu hadalkiisi ku bilaabay   “28 bisha Siddeedaad waxa Xisbiga Waddani soo gaadhay Warqad ku taariikhaysan 24/8/2014, oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland kaga dalbanayo in Xisbigu Toddoba cisho gudahood uu ku soo magacaabo laba xubnood, oo Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kala doorato, iyada oo xeerka si cad ugu qeexan tahay inuu XIsbigu Xubin keliya uu soo magacaabayo,isla warqadaas waxa uu Madaxweynuhu Xisbiga UCID uu kaga dalbaday inuu soo magacaabo labadaas Xubnood,Golaha Guurtiduna ay soo magacaaban Afar Xubnood, Xeerku waxa uu qoraya in Xisbiga UCID uu soo magacaabo Hal Xubin, Golaha Guurtiduna Laba Xubnood, halkii uu ka soo magacaabi lahaa Afar Xubnood, Su’aashu waxa ay tahay ma Xeerka ayaa sax ah, mise Wareegtada Madaxweynaha ayaa sax ah, Jawaabtu waxa ay tahay Xeerka Madaxweynaha ayaa  sax ah oo ah in Xisbiga Xubin keliya aan laga rabin”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Anaga oo Xeerka raacayna waxa aanu soo magacaawnay 30/9/2014, Xubintii uu Xisbigu xaqa ugu lahaa Guddida Doorashooyinka Qaranka, maxa laga rebay xubintaas, waxa laga rebay Xubintaas inuu yahay muwaadin, u dhashay Somaliland, Fadal oo aad waad garanaysaan waxaaan filayaa inuu qodobkaas uu buuxiyey, waxa ka mid ah in aanu ku mid ahayn Xisbi Siyaasadeed kana madax banaan yahay, Taariikhda ay Warqadu na  soo gaadhay iyo Taariikhda uu Xisbigu magacaabay, Dr Maxamed Cismaan Fadal kamuu mid ahayn Xisbiga Waddani, Xisbina kamuu tirsayn, Muwaadin reer Somaliland ah ayuu ahaa, oo sifo sharciga waafaqsan isku casilay   Saxaafaddana ka qortay oo warbaahintu ka qortay ayuu ahaa, oo lagu yaqaanay dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda ayuu ahaa, waxa aan u maleeynaya inuu qof walba uu markhaati ka yahay, waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba uu gudan karaa xilka, taasina markhaati ayeynu ka nahay, waa in dambi ciqaab iyo dambi Maxkabada horteeda lagaga cadddeyn waligeed, taasina uu buuxiyey, waa inuu Muslim yahayn, dhammaanteed Muslim ayeynu nahay taasina uu buuxiyey”.

Guddoomiyaha  Xisbiga Waddani isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waraaqda Madaxweynaha ee uu soo qoray kowda bisha ee Xisbiga soo gaadhay Xisbiga Labada Bisha ee uu ku soo celiyey Xisbiga Waddani Xubintii uu u maagacaabay, anaga waxa  aanu u magacawnay Xubinimadiisa 28/8/2014,  Madaxweynuhu waxa uu soo celiyey 2/10/2014, waxaanu Madaxweynuhu haystay 32-cisho kadib, waxaanu anaga codsaday in aanu ku soo magacawno Todoba cisho,waxa  dhacday Madaxweynuhu in mar labaad inuu Madaxweynuhu soo celiyo Dr Fadal isaga oo cuskaynaya sababtii aanu sida faahfaahsan uga jawaabnay, waxa se layaabku ahaa oo nidam kasta oo maamulna khilaafsan, in , Warqada oo ku socotay Xisbiga Waadani oo keliya in laga arkay Shabakadaha Wararka iyo Telefeshinka Qaranka iyo Radia Hargeysa, iyada oo aan XIsbiga soo gaadhin, oo walibana Dhuxulna ku soo saaray War saxaafadeed si Nin Dawladda u shaqaya oo xilkii laga qaaday”.

 “Laakiin warqadaasi waxa ay ahayd in sida sharciga waafaqdan inay XIsbiga ku soo gaadho,Shalay ayuu Xisbigu arkay Warqadaas, waxaana warqada la keenay Xarunta Barlamaanka oo aanaya cidi joogin, waxaanu Madaxweynuhu adeegsaday qodobadii aanu sida saxda ah ee bayaanka ah ugu jawaabnay, diidmada xubinmada Komishkaa ee Dr Fadal kumay soo lifaaqin in warqadaasi soo gaadhay oo wax caddeyn in bisha 24-keedii,Xisbiga Waddani kuma qanacsana sababta uu Madaxweynuhu ee uu ku soo celiyey Dr Fadal, Xisbigu waxa uu hogaansan yahay Dastuurka iyo Sharuucda dalka, waxaanu qaadi doono talaabo waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka,”.

Guddoomiyaha XIsbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa  mar uu ka hadlaayey badbaadi oo uu sheegay inay Somaliland u baahan tahay ayaa waxa uu yidhi “Somaliland meel adag ayey maraysa, meel xasaasiya ayey maraysa, badbaado qudha ayey ku badbaadi kartaa oo oo ah inayn Doorasho xor ah oo xalaali ka dhacdo, haddii ay ka dhici weydo waxa laga yaaba inay Somaliland dhibaatooyin la soo darsaan.

Madaxtooyada Somaliland waxa laga filayaa inuu Shacabka si cadaalada ah ugu xaqsoorto,Qodobka aad xubinta u adeegsatayna inaad xubnaha kale u adeegsato Ama si gaar ah Xubin aad u tagoorto waa laga qurux badan yahay,waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo in sifo sharci ah loo diido,Xisbiga wadani waxa uu dhamaan soo dhawaynayaa Dhamaan Xubnaha Komiishanka doorashooyinka loo doortay,waxaana uu usoo jeedinaynaa in ay cadaalada ku dhaqaan shacabka iyo xisbiyada Mucaaradka ayaa la doonayaa.”